Muxuu Guardiola ka yiri dhaawaca Gabriel Jesus

0
629

Tababbaraha Manchester City  Pep Guardiola ayaa sheegay in ay la ogaan doono heerka uu le’egyahay dhaawaca cagta ka soo gaaray Gabriel Jesus kulankii xalay.

Brazilian-ka waxa uu kabta ka bixiyey lugtiisa middg kahor inta uusan badalin Sergio Aguero kulankii ka dhacay Vitality.

Raheem Sterling ayaa goolka kowaad dhaliyey kahor daqiiqadii 60-aad halka uu midka labaad isugu shubay Tyrone Mings.

City waxa ay gashay kaalinta labaad iyada oo 8 dhibcood u jirta Chelsea.

“Berri [Salaasada] subixii ayaan ogaan doonaa waxa uu yahay,” ayuu Guardiola u sheegay Sky Sports mar wax laga weydiiyey dhaawaca Jesus. “Aad iyo aad ayuu u nasiib daran yahay.

“Waxaan ku rajo weynnahay – in aan u duceeyo caawa  –  ma noqon doontaa qodob weyn.”