Halis Dunida kusoo korortay & Ookiyaale Dadka Duubaya (VIDEO REC.)

0
534

Shirkadda fariimaha lagu wadaago ee Snapchat ayaa soo bandhigtay ookiyaale-heedii u horeeyay ee leh kaameero.
Ookiyaalahan oo shirkaddu u bixisay Spectacles ayaa la suuq gayn doonaa dhamaadka sanadkan isaga oo lagu iibin doono 130 doolaar.
Ookiyaalahani wuxuu halkii marba duubi karaa 10 ilbiriqsi.
Ku dhawaaqitaan kan awgii Snapchat ayaa magaceeda ku badalaysa Snap, Inc.
Go’aankan ay shirkaddu magaca ku badalatay ayaa hoosta ka xariiqaya hamigeeda ah in aysan ku koobnaanin meel fariimo laisugu diro oo kali ah, inkastoo uu aad caan uga dhex yahay dhallinyarada.
Wargaysta Wall Street Journal ayaa Jimcihii daabacay maqaal uu uga hadlayo Evan Spiegel oo ah 26 jirka aas aasay Snapchat.

Waxaana la socday sawirro badan oo uu ka qaaday Karl Lagerfeld oo ah nin ku caan baxay sawirro qaadidda.
Even wuxuu sheegay in fasixiisii u horeeyay ee uu ku isticmaalo awkiyaalahan uu ku tagay Californian state park uuna ka soo qaaday muuqaalo xoogaa kaddib markii uu daawadayna uu aad oola dhacay in xasuustiisii ay indhihiisa hor taallo.