Halka Ayuu Maraya Hirgelinta Heshiiskii Dawladdaha Somaliland Iyo Kenya Oo Qorshuhu Ahaa In Bisha Dambe La Bilaabo Fulintiisa??

0
387
President Uhuru Kenyatta with His Excellency Musa Bihi Abdi,President of Somaliland at State House, Nairobi. Photo|PSCU

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay halka uu marayo dhamaystirka heshiiskii Dawladdaha Somaliland iyo Kenya wada gaadheen Dabayaaqadii sannadkii hore.

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa sheegay in ay hawsha ka midho dhallinta heshiiskii Kenya iyo Somaliland meel wanaagsan marayo, isla markaana kulamo ay labada dhinac ay yeesheen, kuwa kalana ay hadhsan yihiin.

Baashe Cawil oo u warramayey Wakaalada Wararka ee Solna, ayaa waxa uu yidhi, isaga oo ka hadlayey heshiiskii Somaliland iyo Kenya  “Kolay War murtiyeedkii ka soo baxay labada Madaxweyne markii ay Kulamada ku yeesheen magaaladda Nairobi oo arrimo badan ka hadlayay waxay qayb ka mid ahi ahayd in bisha March ee soo socota dhamaadkeeda uu dalka Kenya xafiis ka furto Somaliland, dhanka kalena ay bilaabmaan oo la gaadho heshiis dhanka duulimaadyada ah oo Shirkadda Kenya Airways iyo diyaaradaha kale ee ganacsiga iyo kuwa rakaabka qaadaa ay duulimaadyo ka bilaabaan Somaliland, hawshaasi way socotaa runtii ma odhanayo waa gabo gabo laakiin way dhamaanaysaa oo waa lagu gudo jiraa Kulamo iminka dhacay oo labada dhinac ahina way jiraan, Kuwo kale oo hadhsanina way jiraan markaa ma doonayo runtii inaan ka hordhaco balse waa hawl socota inshaa allaah waxaan rajaynaynaa inay wakhtiga dhow hawlahaasi bilaabmaan marka heshiiska la kala saxeexdo’’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here