Hargeysa: Aqoonyahanad U Banbaxday La Dagaalanka Tahriibka Oo Dalka Soo Gaadhay

0
391

Hargeysa:  Aqoonyahanad U Banbaxday La Dagaalanka Tahriibka Oo Dalka Soo Gaadhay.

Aqoonyahanad Deeqa Maxamed Soomajeeste oo ka mida aqoonyahanka da,da yar ee ku nool qurbaha isla markaana ah qoraa ayaa soo gaadhay Caasimadda Somaliland Ee Hargaysa.

qoraa deeqa ayaa ka mida hablaha faro ki tiriska ah ee ku nool qurbaha isla markaana u xadhko xidhay inay la dagaalamaan tahriibta idlaysay dhalinyarta somaliland waxaana ujeedada koobad ee ay u timid dalku ay tahay sidii ay usoo bandhigi lahayd buug ay ka qortay aafooyinka tahriibka,buugaasi oo oo taxaya isla markaana koobsanaya qodobadda salka u ah tahriibka ee ay da,yartu ugu madhatay badaha iyo saxaaraha.

waxaan dalka u imid inaan bulshada la wadaago dhibta tahriibka waayo waxaan ahay muwaadinad u dhalatay kuna dhalatay somaliland,waxaan ka adkaysan waayay sida xooggii bulshadu u madhanayo iyadoo aan loo waayin xal isla markaana si kasta loo baajin karo tiro badan oo tahriibaysa.

Somaliland waa dal nabdoon deggen isla markaana fursado badani yaalaan sidaa darteed ma jirto sabab loo tahriibaa,qurbahana waxa ka jira anagaa xog ogaal u ah oo nolol qiime leh laguma haysto mana jirto meel la qiimo ah dalkaaga hooyo,waana arrin aan go,aankeeda anigu qaatay in aan wacyigalin iyo dadaal ka sameeyo sidii loo yarayn lahaa tahriibta anigoo aan cidna waxba kaga doonayn ilaahay mooyaane.

Sidaas ayay ku tiraabtay aqoonyahanad deeqa soomajeeste oo hadal kooban warbaahinta ku siisay magaalada hargaysa wax yar ka dib waqtigii ay kasoo degtay madaarka caasimadda hargaysa.

Ololaha deeqa soomajeeste ee la dagaalanka tahriibka ee ay safarka dheer usoo gashay ayaa ah mid hiil uga baahan qaybaha bulshada somaliland,isla markaana waxa uu tusaale uyahay in badan oo ka mida qaybaha dadka ku nool qurbaha iyo gudaha dalka ee aan iska xilsaarin wadankooda iyo sidoo kale ururada dhalinyarta somaliland oo la odhan karo way ka gaabiyeen inay talaabo muuqata ka sameeyaan la dagaalanka tahriibka.

Iskusoo wada duuboo waxaa war lagu farxo ah in deeqa soomajeeste oo ah gabadh da,yar ay bilawday olole faa,iido wayn u leh dadka iyo dalka somaliland waxaana durba arintan aad usoo dhaweeyay abwaano waawayn,suxufiyiin,aqoonyahano,iyo qaybo badan oo ka mida mujtamaca dalka Somalind.