Haweeney Mareykan ah oo lagu kufsaday Hindiya iyo booliska dalkaasi oo baaraya

0
344

Booliska dalka Hindiya ayaa baaraya sheegashada haweeney Amerikan ah oo tilmaamtay in Delhi lagu kufsaday. Haweeneyda ayaa sheegtay in qeybta sare ee hoteelka lagu magacaabo Delhi, lagu kufsaday, sanadkan horraantiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya, Sushma Swaraj, waxa uu booliska ugu baaqay in eedeysanaha ay soo xiraan.

Haweeneyda oo Hindiya booqatay bishii April, ayaa sheegtay in ninkii caawinayay intay dalxiiseysay inuu siiyay biyo ka dibna ay suuxday.

Waxay intaa raacisay inuu afar jeer kufsaday ninkaasi intey suuxsaneyd, ka dibna uu ka tagay. Waa kiiskii ugu dambeeyay oo ka mid ah xad gudub galmo oo lagula kacay dumar dalxiis u tagay dalka Hindiya.

Ayadoo sharaxeysay sababta dacwadeeda ay u soo daahday, waxay sheegtay in ay murugo iyo niyad-jab qaaday markii dalkeeda ay ku noqotay. Qoyskeeda xittaa lameysan wadaagin dhibaatada ku dhacday haweeneysaasi.