Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta booqasho ku tegaya magaalada Kismaayo

0
383

Madaxweynaha xilka sii haaya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegi doona magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, waxaana la sheegay in safarka Madaxweynaha uu la xiriiro arrimaha ololaha doorashada uu ugu jiro inuu mar kale kusoo laabto kursiga.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta Kismaayo kula kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Jubbaland.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynaha uu kala hadli doono Axmed Madoobe nidaamka hirgelinta doorashooyinka, iyo sidii uu u saxiixi lahaa liiska Xildhibaanada labada aqal oo uu maalin ka hor shuruud ku xiray Axmed Madoobe in aanu saxiixeyn, iyadoo aan la xalin tabashada Puntland.

Safarka Madaxweyne Xasan ee Kismaayo ayaa kusoo beegmay labo maalin kadib booqasho xod xodasho ah oo uu halkaasi uu ku tegay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo ah Musharaxa ay xilligan sida aadka ah ugu loolamayaan doorashada.