Hawlgal Caafimaad Bilaash ah oo Hospitalka International ka Fuliyey Abdaal

0
545

Hawlgal Caafimaad Bilaash ah oo Hospitalka International ka Fuliyey Abdaal

Abdaal(Warsugannews)Hawl caafimaad oo bilaash ah ayaa maalinta Isniinta 29 May 2016 hospitalka international ka fuliyeen magaaladda Abdaal, hawlgalkan oo ay ka qeyb qaateen 12 dhakhtar oo kala takhasus duwan ayaa waxaa ka faaideystay in ka badan 1000 qof oo bukaan ah,
sidoo kale waxaa dadweynaha loo qeybiyey dawooyin bilaash ah iyo sheybaadh kala duwan oo lagu sameeyey. dadweynaha dega magaalada abdaal ayaa aad ugu diirsadey hawlgalkan caafimaad, iyagoo aad ugu mahad naqay dhakhaatiirta International hospital.

Dr Abil calim tolba oo ah maamulaha hospitalka ayaa ka waramay in hawlgalkan caafimaad yahay kii sideedaad ee ay fuliyaan, mar walba ay sameeyaan hawlgalo caafimaad oo bilash ah deegaamadda aan heysan caafimaad dhameystiran,

Mohamed iid dhinbii oo ah madaxa xidhiidhka dadweynaha ee hospitalka ayaa goobta ka hadley isagoo xusay in deegaanka abdaal ka fulinayaa hawlgal caafimaad oo bilaash ah kaas oo ugu talo galeen in bulshadda deegaanku ka faaideysto, sidoo kale u qorsheysan tahay in ay halkaas ka sii wadaan hawlgaladda caafimaad si bulshadu u hesho adeeg caafimaad oo tayo leh.

DSC_0193

DSC_0235

DSC_0283

DSC_0335

DSC_0358

DSC_0368

DSC_0666