Ogeysiis: Deeqo Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Deeq U Qaybinaysa Dadka Caasimadda‏

0
416

Ogeysiis: Deeqo Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Deeq U Qaybinaysa Dadka Caasimadda‏

Hargeysa(Warsugannews)Dawladda Hoose ee Hargeysa iyada oo ka qayb-qaadanaysa taageerada baahiyaha ummadda ku nool caasimadda Somaliland, isla markaana ay dhawdahay bilashadii bisha barakaysan ee Ramadaan waxa ay bulshada ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ogeysiinaysaa in ay qaybinayso deeq ka kooban:

1. Raashin sida bariis, sonkor, saliid iyo timir

2. Buugaag isugu jira kuwo daabacan iyo kuwa dugsiyada iyo jaamacadaha lagu dhigto.

3. Dharka iyo qalabka ciyaaraha: Direys, shabagyo, siidhiyo, koobabka

4.Kombuyuutarro, miis, kuraasi

5.Dawooyin kala geddisan

6.Kamarado, cod-duubeyaal (voice recorders) iyo qalabka saxaafadda.

Ogeysiiskani waxa uu si gaar ah ugu socdaa

1.Dadka danyarta ah

2.Kooxaha kubbadda cagta

3.Ururrada aan dawliga ahayn

4. Ardayda Jaamacadaha iyo dugiyada caasimadda wax ka barata

5.Dadka gacanta ku haya xarumaha dawooyinka sida Farmasi, Cusbitaal iyo Kulliyadaha Cilmiga Caafimaadka iyo

6.Suxufiyiinta

Deeqdan waxa la qaybinayaa

Taariikhda: 06/June/2016 Maalinta Isniinta Saacadda: 09:00 arooryo

Goobta: Xarunta Dawladda Hoose Ee Hargeysa

Hoolka Golaha Degaanka Caasimadda Hargeysa

Allaa Mahad Leh

Cumar Cali Jaamac

Agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta DHH