Hay’adda SOFHA Oo Tababar Caafimaad Hargeysa Ugu Soo Xidhay Dhalinyaro Gobollada Dalka Kala Yimid

0
338

Hay’adda SOFHA Oo Tababar Caafimaad Hargeysa Ugu Soo Xidhay Dhalinyaro Gobollada Dalka Kala Yimid
Hargeysa(Warsugan) Hay’adda Waddaniga ah ee SOFHA, ayaa magaalada Hargeysa ku soo gabogabaysay tababar muddo 5 cisho ah u socday dhalinyaro gobollada dalka isaga yimid, kuwaasi oo la siinayay aqoon caafimaad oo ku saabsan arrimaha taranka iyo gudniinka fircooniga ah. tababarka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii dhalinyaradaasi u heli lahayd aqoon dheeraad ah oo dhinaca caafimaadka ah, si ay wax badan uga ogaadan Gudniinka Fircooniga ah iyo caafimaadka dhalinyarada.

Madaxa mashaariicda ee hay’adda SOFHA Cabdifataax Mahad Qaasim, ayaa sheegay in ujeedka aqoon korodhsigani ahaa sidii dhalinyaradu u heli lahayd aqoon dhinaca caafimaadka la xidhiidha “Aad bay u mahadsan yihiin ka soo qayb galeyaasha tababarkan ku saabsanaa in dhalinyaradu hesho aqoon ay uga baahnayeen dhinaca caafimaadka. Tababarka noocan ah SOFHA waxay u soo abaabushay markii aanu ogaanay baahida loo qabo iyo in dhalinyaradu u baahan yihiin cudud iyo awood in la galiyo.SOFHA waa urur Waddani ah oo ka shaqeeya caafimaadka qoyska iyo dhallaanka, waxa kale oo aanu ka shaqaynaa kor u qaadista aqoonta dhalinyarada, waxaanu la shaqaynaa culimada, waxaanu la shaqaynaa dadka ay ka go’do talada dhalinyarada saamaysa.Tababarka noocan ahi waa mid soo socday, waanuna sii wadaynaa,” ayuu yidhi Mr Cabdifataax.

Dr Maryan Cabdillaahi Daahir, oo ka mid ahayd macalimiinta bixinayay tababarkaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan tahay aqoonta ay dhalinyaradu ka faa’iidaysteen muddada 5 cisho ahayd, iyadoo tilmaantay in ururka SOFHA ku hawlan yahay kor u qaadista aqoonta dhalinyarada ee dhinaca caafimaadka, islamarkaana uu barmaamijkani khuseeyo dhammaan dhalinyarada gobollada dalka.

Maxamed Aadan Diiriye oo ka mid ahaa dhalinyarada ka faa’iidaystay tababarka ayaa sharaxay muhiimadda kulankani lahaa “Shantii cisho waxaynu halkan ku barangay casharo aad iyo aad u qaali ah oo muhiim ah oo inamo iyo hablaba khuseeya, casharadaasi waxay muhiim u yihiin dhinacyo badan oo nolosheenna ah, waxaanan ka qayb galeyaasha kula talinayaa inaynu nafaheena ku dabakhno casharadaas, kadibna bulshada uga faa’iidayno,” ayuu yidhi Mr Maxamed.