Safiirka Somaliya Ee Hindiya Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Dacwadooda Dib Loo Dhigay

0
314

Safiirka Somaliya Ee Hindiya Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Dacwadooda Dib Loo Dhigay
Mubai(Warsugan) Waxaa maalintii Shalay la filayey in maxkamad la horkeeno dhalinyaro Soomaali ah oo ku xidhan xabsi ku yaalla magaalada Mumbay ee dalka Hindiya kuwaas oo loo haysto falal budhcadbadeednimo, hase ahaatee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa xaqiijisay in dhegaysiga dacwaddaasi dib u dhacay, lana muddeeyey in la dhegeysto 13 bisha October.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Ebyan Ladane Saalax ayaa sheegtay in garyaqaanka u doodaya maxaabiistan xidhan iyo saraakiil ka socota safaaradu tageen maxkamadda si ay dhegaysiga uga qayb galaan, hase ahaatee loo sheegay in dib loo dhigay dhegaysiga dacwadda ka dib markii ay xilligii loogu talo galay ku dhammaan waayeen laba dacwadood oo ka horreeyey kan dhalinyarada, taasina ay keentay in dib loogu riixo bisha October 13-keeda.

Qoraal kooban oo haweenayda Somalia safiirka uga ah Hindiya soo saartay ayaa ku sheegtay inay rajo ka qabaan in la sii daayo dhalinyaradaasi ”Maanta oo Jimce ah kuna beegan September 30, 2016 waxaanu qoraal ka helay Qareenka u dooda dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo haysto falalka budhcadbadeednimada ah. Qareenku wuxuu nagu wargaliyey in maanta maxkamadda oo qaadeysay laba kiis oo kale, aadna loogu dheeraadey ay kaliftey inuu ka dhammaadey waqtigii ay ka hadli lahayd arrinta dhalinyaradan.Qareenka waxaa kale uu sheegay, in dib loogu dhigay arrintooda bisha October 13keeda haddii alle idmo.Safaaradda iyo Qareenkuba waxay rajaynayaan inay ku dhammaato guul, dhalintaana lagu celiyo waddankoodii haddii alle idmo,” ayay sheegtay Safiir Ebyan.