Heshiis Laga Gaadhay Shaqaaqo Ka Dhacday Qaybo Kamidaa Deegaanada Sahaminta Shiidalka Laga Bilaabaayo Ee Gobalka Saraar.

0
350

Wefti culus oo ka koobnaa Wasiiradda wasaaradaha Arrimaha gudaha, Macdanta, Dibu-dajinta iyo Wasiiru-dawlaha Waxbarashada, ayaa kulamo lagu xaliyeyo
khilaaf ka taagnaa sahanka Shiidaalka ee ka socda gobolka Saraar ku soo af-jaray magaaladda Caynabo, halkaas oo Ay kula kulmeen maamulka Gobolka iyo dadka deegaanka.
Wasiiradda ayaa u kuur galay is af-garan-waa ka dhashay hawl socodsiinta Sahanka Shiidaalka, waxaanay markii danbe isa soo hor-fadhiisteen dadka deegaanka kuwaas oo ay isla meel dhigeen cabashadoodii, waxaanay isla qaateen in hawshu sideeda u socoto.
Weftiga Wasiiradda ah oo ay ujeedadoodu ahayd Wacyigalinta iyo xalinta khilaafkii ka taagnaa Sahanka shiidaalka iyo gurmadka Abaaraha ka taagan deegaanadaasi ayaa ka soo kicitimay gobolkaasi, kadib markii ay soo fuliyeen labada qorshe ee ay la tageen gobolka, waxaanay ku sugnaayeen laba cisho.
Wasiiradda waxa ku wehelinayey socdaalkooda Agaasimaha Guud ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarka iyo masuuliyiinta waaxda Batroolka, kuwaas oo dhamaantood ka qayb qaatay xalinta arrintan.