Heshiiska Carabta iyo Israa’iil: ‘Qorshaha qalloocan ee Trump Nabad kama dhallin karo Bariga Dhexe’

0
296

Qaar ka mid ah wargeysyada dalka Britain ayaa wax ka qoray heshiiska madaxwayne Trump uu dhex dhigay qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo Israa’iil iyo saameynta uu gobolka Bariga Dhexe ku yeelan karo.

Qoraagga lagu magacaabo Simon Tisdale ayaa ku qoray wargeyska in “heshiisyada Trump nabad uma horseedi karaan Bariga Dhexe.”

Tisdale ayaa yiri, ” waa heshiisyo nabadeed oo minjaxaabinaya cadaaladda, ciqaabaya kuwa tabarta daran, islamarkana ku saleysan damac, kuna tiirsan baad iyo iibinta hub.”

Qoraagga ayaa intaa ku daray in dadaalka heshiiska uusan waxba ka tareyn nabadda dhabta ah ee loo baahan yahay islamarkana guula laga gaari doonin.”Bariga dhexe waxaa soo maray heshiisyo noocan ah oo loogu xaglinayay israa’iil, dhammaantood na waxaa garwadeen ka ahaa Aqalka Cad,” ayuu yiri Tisdale.

Tisdale ayaa intaa ku daray in xilligan oo maamulka Trump uu ka sii dhammaanayo mudda xileedkiisa Aqlka Cad, in ay u muuqato Trump in uu ku jiro heshiisyo ganacsi isagoo adeegsanaya siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka kuna matalayo Israa’iil, wuxuuna “ku jeesjeesayaa xuquuqda taariikhida dadka Falastiiniyiinta.”

Tisdale wuxuu tilmaamay, “Ma jirto wax israa’iil farxad galin kara.

“Tisdale ayaa xusay in Trump uu ku cadaadiyay Sudan in ay xiriir la yeelato Israa’iil si cuna qabteynta looga qaado, wuxuu sidoo kale Dhulka Saxaraha Galbeed u aqoonsaday Morocco si ay xiriir ula yeelato Israa’iil.

Maamulka madaxwayne Trump waxaa uu ku guleystay in dhowr dal oo Carab ah ay xiriir diblamaasiyadeed la sameystaan Israa’iil oo muddo ay colaad dhex taalay.

Waxaa ka mid dalalka saxiixay ololaha uu Trump ugu magacdaray “Heshiiskii qarniga,” Imaaraadka, Sudan iyo Marrocco.

Madaxwayne Donald Trump ayaa dhanka kale horey u sheegay in ay jiraan dalal kale oo wadahadal ay u socdaan.

Dhanka Falastiiniyiinta, waxay aad uga soo horjeedaan heshiisyadan, waxayna u arkaan inay yihiin kuwa loogu daneynayo Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here