Maxamed Bin Salmaan badbaado maka heli doonaa Biden?

0
309

Madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii dagaya, Donald Trump ayaa horay loogu eedeynayay inuu dhagaha ka fureystay xad-gudubyo bani’aadannimo oo lala xiriiriyay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, balse waxaa su’aalo la iska weydiinayaa waxa uu noqon karo mowqifka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden.

Warbixin uu daabacay wargeyska “Washington Post” ayaa lagu sheegay in maamulka Donald Trump uu ka arrinsanayo sidii uu u aqbali lahaa codsi uga yimid Amiir Maxamed Bin Salmaan, kaasoo ku aaddan in dhaxal sugaha Mareykanka laga siiyo xasaanad ka ilaalineysa in dacwado looga soo oogo gudaha waddankaas.

Arrintan ayaa cirka kusii shareertay muranka la xiriira tallaabooyinka uu qaado Maxamed Bin Salmaan iyo sida ay arriahaas u wajihi doonto dowladda cusub ee uu hoggaamin doono Joe Biden, oo ah nin ka soo jeeda xisbiga Dimuqraaddiga, aadna uga mowqif duwan Donald Trump.

Codsiga xasaanadda ayaa, sida uu sheegay Washington Post, waxaa diiradda lagu saaray kiis ka dhan ah bin Salmaan oo uu Mareykanka u gudbiyay Sacad al-Jabri oo horay u ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray sirdoonka Sacuudiga, haddana isagoo baxsad ah ku nool waddanka Canada.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in ilo uu aqoonsigooda qariyay uu kasoo xigtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay qareennada Sacad ka dalbatay inay usoo gudbiyaan warqadaha dhinaca sharciga ee caddeynaya kiiskooda, si ay go;aan uga gaarto in la aqbalo codsiga xasaanadda ee Bin Salmaan, xilli waaxda caddaaladda ee Mareykankana ay tix galineyso in ay kiiskaas furto.

Markaas wixii ka dambeeya waxaa la filayaa in waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay codsi u dirto mas’uuliyiinta waaxda Caddaaladda, kuwaasoo go’aankoodu uu yahay heer federaal.

Haddii ugu dambeyn la hirgaliyo xasaanadda Bin Salmaan, waxay micnaheeda tahay in magaciisa laga saari doono kiis walba oo uu Mareykanka ku lug leeyahay.

Dadka kormeera dhaqdhaqaaqyada bin Salmaan ayaa sheega in uu taageero buuxda ka heysto Trump

Kiisaska ugu waaweyn ee uu markaas bin Salmaan ka badbaadi doono waxaa ugu horreeya kan khuseeya dilkii wariyihii u dhashay Sacuudiga ee lagu magacaabi jiray Jamaal Khaashuqji.

Sida ay qabaan dadka wax falanqeeya, haddii uu dhab yahay warka ku saabsan codsiga Sacuudiga ee xasaanadda loogu raadinayo Maxamed Bin Salmaan, wuxuu caddeyn u yahay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in maamulka Sacuudiga ay ka walaacsan yihiin waxa uu noqon doono mowqifka mas’uuliyiinta cusub ee Aqalka Cad ay ka qabaan arrimaha Sacuudiga.

Lama oga waxa uu Joe Biden ka yeeli doono eedeymaha faraha badan iyo dacwadaha ay hayadaha xuquuqda aadanaha ka qabaan dhaqdhaqaaqyada dowladda Sacuudiga.

Arrimaha ugu waaweyn ee farta lagu fiiqayo waxaa ka mid ah xad-gudubyada lagu geystay dagaalka Yemen iyo xaqiiqda ku aaddan dilkii wariye Khaashuqji.

 

.

Kiiska dhinaca xuquuqda aadanaha ee la xiriira dhacdadii lagu dilay Jamaal Khaashuqji wuxuu horseedi karaa xaalad adag oo soo wajahda maamulka Sacuudiga, gaar ahaan marka la eego arrinta uu wargeyska Washington Post ku tilmaamay “in horay Joe Biden uu wacad ugu maray inuu ka fiirsan doono xiriirka xukuumadda Riyaad.”

Inkastoo Jamaal lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Tukriga, haddana Mareykanka ayaa lagu dhaliilay inuu qariyay xogo muhiim ah oo ku saabsan dhacdadaas.

Kiiska dilka wariyahaas, oo dibad joog muddo ku ahaa Mareykanka, ayaa lagu qaaday gudaha waddanka Sacuudiga, laakiin wali lama qabsanin Maxamed Bin Salmaan oo lagu dhaliilsan yahay inuu bixiyay amarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here