Heshiisyada Somaliland Iyo Imaaraadka Oo Guul Laba Geesood Ah Horseedaya

0
368

Heshiisyada Somaliland Iyo Imaaraadka Oo Guul Laba Geesood Ah Horseedaya

Paris(Warsugan) Idaacadda dunida la hadasha ee Faransiiska ayaa warbixin ka qortay saamaynta dawladda Imaaraadka Carabtu ku yeelanayso Geeska Afrika gaar ahaana Somaliland. warbixinta ayaa lagu sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ka helayaan faa’iidooyin marka la hirgeliyo mashruuca dekedda Berbera ee DP World iyo saldhiga Militari ee qorshihiisu socdo.

“Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa doonaya inuu jilaa xooggan ka noqdo Waqooyiga Bari ee Afrika oo ay 8 dal ku yaallaan.Waxay hanatay laba Saldhig oo military; mid ku yaalla Eriteriya iyo mid ku yaalla Somaliland, kuwaas oo ku habboon dagaalka Yemen. Dalalkan dhaqaalahoodu hooseeyo ayaa ku raaxaysanaya faa’iidada heshiiskan, iyadoo helaya tababaro ammaan iyo kuwo dhinaca horumarinta sirdoonka ah,” ayaa lagu sheegay warbixinta idaacadda caalamiga ah ee Faransiiska.

Alex Mello oo khabiir ku xeel dheer arrimaha ammaanka, islamarkaana hadda la taliye u ah koox fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa idaacadda u sheegay in heshiiska Militari ee Somaliland iyo Imaaraadku yahay mid labada dhinacba guulaysteen. Waxa uu sheegay in Imaaraadku waayo aragnimo ka dhaxlay dagaallada Afganistan iyo Yemen, islamarkaana uu aqoon u leeyahay arrimaha la dagaalanka argagixisada iyo amniga guud.

“Saldhiga cirka iyo badda ee Somaliland waxa uu yimid markii Imaaraadku ku guulaystay heshiiska weyn ee maamulida dekedda Berbera ee DP World.Heshiiska 30 sanno ah ee DP World wuxuu caawinayaa kala jabinta dalka Jabuuti oo kooto ku haysta dalka aan badda lahayn ee Itoobiya.Haddii dekeddu heshiiskan waxay dhaqaale ahaan u tahay mid muhiimad weyn u leh,” ayuu yidhi Alex Mello.

Dawladda Somaliland ayaa Imaaraadka la saxeexatay heshiis 30 sanno ah oo shirkadda DP World ku maamulayso dekedda Berbera. Waxaa la rajaynayaa in dekedda Berbera noqoto marin laga galo bariga Afrika laakiin, wada hadallo labada dal u furmay ayaa lagu wadaa in la gaadho heshiis Imaaraadku Saldhig military kaga yagleelo Berbera.

Xigasho Wargeyska Warsugan