Hibada, Aqoondarrada iyo Waxbarashada Qalinka: Axmed Iid Aadan

0
449

Hibada, Aqoondarrada iyo Waxbarashada

Qalinka: Axmed Iid Aadan

Dhibaatooyin badan ayaa dadkeenna haysta, waxana inta badan la isku raacsan yahay, in ay dhibaatooyinkaasi ku sal leeyihiin “saboolnimo” iyo “sinnaan la’aan”.

Saboolnimada iyo sinnaan la’aantu waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha nolosheenna adkeeyey, in aynu hore u guurnana innaga hortaagan. Saboolnimadu waxa ay keentaa ismaandhaaf joogto ah iyo in waxa la dheefsanayo xalaal iyo xaaraan aan loo kala eegin,ee tab kasta oo wax lagu heli karaba loo xusulduubo. Sinnaan la’aantana waxa ugu weyn ee sababaa waa qabyaaladda, waana wax halis ah oo waxa ay keeni kartaa burbur kama-dambays ah.

Waxaas oo dhan haddana waxa guud ahaan u sabab ah aqoondarrada, waxayna ka jiraan meelaha aanay aqoontu ka shaqaynin. Siyaalaha lagaga bixi karana waa la badin karaa, hase yeesho ee innagu waxa aynu ku soo koobaynaa, si aanay dooddu mawduuc intan ka ballaadhan innoola gelin, laba arrimood oo kala ah: in hibooyinka ay dadkeennu leeyihiin, gaar ahaan ardayda, la baadho lana dhiirri-geliyo iyo in ay waxbarashadeennu noqoto mid nolosheenna iyo xaaladaha ka jira suuqyadeenna shaqo xidhiidh la leh oo aan go’doon ka ahayn.

Qof kasta oo fayoobi waxa uu dhashaa isaga oo leh awood gaar ah oo uu Ilaahay ugu deeqay. Awooddaas gaarka ah waxa lagu magacaabaa “hibo”. Waxa la yidhaahdaa hibada ama hibooyinka uu qof leeyahay markaaba lama ogaado. Waxa la ogaan karaa marka uu qofku dhowr sano jiro ama uu weynaado ee uu waayo jiro. Waxa dhici karta hibadii qofka ku jirtay iyada oo aan la ogaanin in uu qofka laftiisuba dhinto, uun aakhirona uu ku biiro.

Waxa fiican ardaydu marka ay yaryar yihiin ee ay heerarka bilowga ah ee waxbarasho ku jiraan in loo fiirsado waxyaalaha ay jecel yihiin amaba ay xiiseeyaan. Ardayda qaar baa, tusaale ahaan, sheekooyinka jecel, qaar baa laga yaabaa in ay hawlaha farsamada gacanta la xidhiidha xiiseeyaan, qaar kalena waxa laga yaabaa in ay hawlaha agaasinka iyo qabanqaabada xafladaha iyo kulannada waaweyn ku fiican yihiin. Qaarba wax baa ay ku fiican yihiin. Qofku marka uu ogaado waxa uu ku fiican yahay ayuu tallaabo wax-ku-ool ah qaadi karaa oo uu berri-ka-maalin naftiisa anfici karaa, khayr kalena soo kordhin karaa.

Waxa ay u badan tahay in arrintaa aynu sheegnay aan lagu baraarugsanayn amaba aan weli si fiican loogu soo jeedsan. Waxa dhacda mararka qaarkood in 45 ama 55 carruur ah meel lagu wada xereeyo oo la yidhaahdo fasal bay ku jiraan oo wax bay baranayaan. Ka dibna ardaygii shalay aad ogeyd isaga oo Saynis dhiganaya ayaa waxa dhici karta in aad maalinta dambe suuqa ku aragto isaga oo alaab iibinaya ama qabanaya aqoontii uu soo bartay wax ka fog oo aan xidhiidh la lahayn. Ma xuma in qofka ardayga ahi uu shaqaysto haddii uu doono oo taasi waa sharaf. Waxase aynu ka hadlaynaa waa in wixii uu bartay uu yahay wax suuqa shaqada ka iibsamaya oo shaqada wax uga tari kara iyo in kale. Weydiinta meesha soo geli kartaa markaa waxa weeye “Qofka intaas oo sannadood wax la soo barayey maxaa lala doonayey? Kaalinta lala rabay maxayse ahayd?

Waqtiyadan dambe waxa la yidhaahdaa, fasalku in aanu 25 ilaa 30 arday ka badan ayaa wanaagsan. Taasi waxa ay u fiican tahay ardayda,barayaasha iyo guud ahaan nidaamka waxbarashada, waayo iyada oo aan dhib la dareemin ayaa ujeeddadii waxbarasho si yar oo fudud loo gaadhi karaa. Waan ogahay dalkeenna xaalado dhaqaale oo aan wax badan innoo saamaxaynin in ay ka jiraan, haddana sida lamahuraanka ahi waxa weeyi in waxa yar ee aynu haysanno aynu farsamaysanno.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Hibo Ilaahay ku siiyey habeen la iskama qaado.” Dadka waaweyni iyagaa kala garanaya waxa ay ku fiican yihiin iyo waxa kale. Laakiin hibada ardaydeenna in la ogaado oo goor horeba la dhiirri-geliyaa iyagana waa ay u fiican tahay, dhibaatooyinka ay aqoondarradu keentana wax bay ka tari kartaa.

Arrinta kale ee dhibaatooyinkaa aynu kor ku soo sheegnay wax ka tari kartaa waa in ay waxbarashadeennu noqoto mid baahiyaha suuqa ka jira dabooli karta. Qof kasta oo wax bartaa marka uu suuqa shaqada soo galo in uu qof aqoontiisa ama xirfaddiisa loo baahan yahay noqdaa waa mid lagama maarmaan ah. Qof kasta oo dadkeenna ka mid ahi waxa uu rabaa in uu nolosha la qabsado. Qof geeddi-socodka nololeed in uu ka hadho jeceli ma jiro. Sidaa darteed aqoon shaqaynaysa ayeynu wax badan ku qabsan karnaa.

Nin waxgarad ah ayaa laga soo xigtay in uu yidhi hadal uu macnihiisu sidan u dhowaa: “Dhibaatooyinkeenna kuma xalin karno fikir la mid ah kii aynu qabnay markii ay dhibaatooyinkaasi bilaabmeen”. Macnuhu markaa waa in mar kasta casriyeyn, fikir cusub iyo isbeddelada xaaladaha ka dhasha oo lala jaanqaado loo baahan yahay, haddii kale halka maanta joogo ayaa lagu qallalayaa.

 

Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com