Dhalan-Guurka Nolosha Soomaalida Geeska Afrika W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
405

Dhalan-Guurka Nolosha Soomaalida Geeska Afrika

W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

Bal dhuux oo dhugo dhammaan is-bedelladan hoose ee adhaxda jabiyey bulshooyinka Soomaalida ah ee ku dhaqan Geeska Afrika iyo sida aan dareen badan looga qaabin:

 

  • Suldaan qadarin waxa beddelay Suldaan Qabax
  • Bangi waxa beddelay Xawaalad
  • Siyaasi waxa beddelay Qabqable
  • Qaran waxa beddelay Qabiil
  • Dawlad-dhexe waxa beddelay Deegaan Qabiil
  • Waddaniyad waxa beddelay walaahow
  • Dan guud waxa beddelay Dan gaar
  • Dimuquraadiyad waxa beddelay Digtatooriyad
  • Gole Baarlamaan waxa beddelay Guurti Beeleed
  • Janan waxa beddelay Jabhad
  • Danjire waxa beddelay Dibadmeere
  • Wargays Qaranka waxa beddelay Wargays-Beeleed
  • Baasaaboor waxa beddelay Is-xambaar
  • Xabsi waxa beddelay Xabaal
  • Maxbuus waxa beddelay Marxuum
  • Deris-wanaag waxa beddelay Dagaal-sokeeye
  • Aqoonyahan waxa beddelay Dagaalyahan
  • Indheergarato waxa beddley Af-miishaar
  • Ugaas waxa beddelay afarjeeble shaqaysta
  • Wada-tashi waxa beddelay Tayda-raac
  • Samadoon waxa beddelay Samediid
  • Xaq-u-dirir waxa beddelay Xukun-U-Dirir
  • Halgan waxa beddelay Halaag
  • Alla bari waxa beddelay Gaalo bari
  • Alle ka cabsi waxa beddelay Gaalo ka cabsi
  • Islaamnimo waxa beddelay afka-baarkiisa
  • Diin midaysan waxa beddelay dariiqooyin is-diidan
  • Wadaad welimaysta waxa beddelay Wahaabi shaqaysta
  • Gabdho guursi waxa beddelay Carmal lacag leh
  • Marwo dumar waxa beddelay Meeraysato qayisha
  • Khudaar cunis waxa beddelay Qaad raamsi
  • Ilka cadde waxa beddelay Af-ligis
  • Dhaqan waxa beddelay Dhalanteed
  • Asluub wanaag waxa beddelay Anshax-xumo
  • Midab dabiiciya waxa beddelay Kiimikada Diyaana
  • Xalaal miirasho waxa beddelay Xaaraan ku Naax
  • Xeelad waxa beddelay Xoog
  • Xukun waxa beddelay Xabbad
  • Caqli waxa beddelay Cudud
  • Laaluush waxa beddelay Baad
  • Farxad waxa beddelay Fajac
  • Raaxo waxa beddelay Rafaad
  • Maaweelo waxa beddelay Murugo
  • Qosol waxa beddelay Qoomamo
  • Qadarin waxa beddelay Quudhsi
  • Haybad waxa beddelay Habacsanaan
  • Shaqo waxa beddelay Shaxaad
  • Shaqo Rag waxa beddelay Shaar-shaari Dumar
  • Masruuf waxa beddelay Mahayo
  • Tacab waxa beddelay Dawarsi (Tuugsi)
  • Gobanimo waxa beddelay Gunnimo
  • Himilo waxa beddelay Hungow
  • Heshiis waxa beddelay Hagardaamo
  • Jaangooyo waxa beddelay Jaantaa-rogan
  • Qorshayn waxa beddelay Qarqoosh
  • Maamul waxa beddelay Muran
  • Dargeel bulsho waxa beddelay dil-dhac-kufsi
  • Xuquuqul insaan waxa beddelay Gaboodfal
  • Gar waxa beddelay Gardarro
  • Sinaan waxa beddelay Kala-sarayn
  • Barwaaqo waxa beddelay Busaarad
  • Dawo waxtar leh waxa beddelay Damaska Hindiya
  • Tagsiile waxa beddelay Tukhaan
  • Dhiil waxa beddelay Caag
  • Salad waxa beddelay Bac
  • Aqoon waxa beddelay Jaahilnimo
  • Xoolo-dhoofin waxa beddelay Dad-dhoofin
  • Duur-joog waxa beddelay Digaag
  • Doog waxa beddelay Nabaad-guur
  • Ganacsato waxa beddelay Tujaarul Xarbi
  • Kursi-doon waxa beddelay Kadeed abuur
  • Wasaarad waxa beddelay NGO
  • Somaaliweyn waxa beddelay Soomaali kala tagtay

Cali cabdi coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac: Hadimadii Gumeysiga…………C/qaadir Aroma