Hogaamiyaha Khaatumo Oo Caydhiyay Xubno Ka Dhego Adeygay Wadahadalada Khaatumo La Furtay Somaliland iyo Waxyaabaha Laysku Maandhaafay.

0
394

Hoggaamiyaha maamulka khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo ay weheliyeen Masuuliiyiinta sar-sare ee maamulka Khaatumo, ayaa daboolka ka qaaday inaanay marnaba hakinaynin wada-hadalkii ay kula jireen dawladda Somaliland,
iyaga oo tilmaamay inaanay waxba ka khuseyn war dhawaan ka soo baxay siyaasiyiin sheegay in la hakiyo wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo inta doorashadda Soomaaliya dhaceyso.. Maamulka sare ee Khaatumo waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay si wada jir ah Buuhoodle ugu qabteen Hoggaamiyaha Khaatumo, Guddoomiyihiisa Golaha dhexe Maxamuud Sheekh Cumar iyo Masuulka u qaabilsan dhinaca Warfaafinta Axmed X. Cali Cabdilaahi, waxaanay caddeeyeen inaanay cidna u dabo-fadhiisanaynin ka midho-dhalinta wada-hadalka ay la fureen Somaliland, waxaanay gaashaanka ku dhufteen xubno ka tirsan Guddi sheegata aasaaseyaasha kooxdaas oo ku baaqay in muddo la hakiyo wada-xaajoodka u socda Somaliland,

“Waxa annaga taladayada ku soo ururaysaa wada-hadalladayada waanu wadaynaa, cidna odhan karta ma yeeli kartaan oo ka baxsan awooda saddexdan gole ee Khaatumo ma jirto, nimankaasi Islaameedna meesha ay awood sheegashada ka keeneenna iyaga ayaa ka jawaabi doona,”ayuu yidhi Siyaasi Cali Khaliif Galaydh.

Guddoomiyihiisa Golaha dhexe Maxamuud Sheekh Cumar, ayaa sheegay inay kooxda soo jeedisay in dib loo dhigo wada-hadalka Somaliland iyo Khaatumo aanay awood sharci u lahayn go’aan ka gaadhista wada-hadalada, waxaanu yidhi, “Xubnahaasi kama mid ahaa saddexda gole ee Khaatumo, waxay isticmaalayaan waa awood aanay lahayn waxaanay ku soconayaan barnaamij iyo hadaf looga soo dhisay Xamar. iyaga oo soo jeediyay nimankan inta Xamar doorasho ka dhaceyso inaanay Somaliland iyo Khaatumo wada hadlin. markaa waxaanu leenahay waxba Soomaaliya nagama galin ee Somaliland waanu wada hadleynaa.”

“Shirkan oo aanu kaga hadlaynay waraaq baadi ah oo qoreen 21-kii bishan koox isku magacawday Guurtida Khaatumo, oo distoorka maamulka Khaatumo aan meelna ka soo galin, waraaqda iyo xubnaha qoreyba waanu cambaareynaynaa, dadweynaha reer Khaatumana waxaanu fahansiineynaa annaga oo labadii gole ah, ku baraarujineynaa in wax kasta oo lagu kala dilayo sharcigooda iyo maamulkooda ay meel uga soo wada jeestaan wixii kala dhantaalaya,”sidaasna waxa yidhi Xoghayaha dhinaca Warfaafinta u qaabilsan Khaatumo Axmed Xaaji Cali Cabdilaahi.

Dabo-yaaqadii sannadkii la soo dhaafay 2016 ayay dawladda Somaliland wada-hadal nabadeed la furtay kooxda khaatumo waxana kullamadii u horeeyay ay ku yeesheen Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.