MULK IELE AH Waddani Oo Ilduufay Go,aamadii Loogu Hiliiyay Maatiida La Leeday Sixirbaraarka, Kana Biiyo diiday Wareegtadii Lagu Xadiiday Adeegyada Zaad iyo E-Dahab.

0
616

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Musharaxa Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa Uu sacabo Tumay Adeegyada Hawada ee Zaad iyo E-dahab ee xukuumadda Somaliland dhawaan awaamiirta kasoo saartay, Ugu horeyn cabdiraxmaan cirro dhibaatada sixirbaraarka iyo shaqooyinka Baanka dhexe oo Ku tilmaamay mid hawshiisi Gaabay waxaana kamid ah Hadaladiisi ”

 
waxaa umalaynaaya in waxaa ugu weyn ee uu bahan in awoodiisa lasoo celiyo waa baanka dhexe Somaliland oo baananka dhexe waxaa ay xukuuman dhamaan lacagaha iyo siyaasadaha lacagaha marka waxaan xukuumadda ugu baaqayna in awoodiisa losoo celiyo baanka dhexe Somaliland, intii xukuumada kulmiye talada haysay waxaa cadaatay in baanka dhexe awoodiisi lagaala wareegay marka baanka dhexe waa inuu isagu marna dollar suuqa soo geliya marna shiliinka Somaliland si loo dejiyo qiimaha lacagta waa inay xukuumaddu iyaduu marwalba dhiirigelisa isticmaalka shiliinka oo cashuuraha ku qaada oo qandaarasyda ku qaada ”
dhanka kale Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxaa dhaliilay go,aankii xukuumadda ee lagu xadiiday isticmaalka adeegyada Zaad iyo E-dahab waxaanu ku tilmaamay talaabo lagu dagdagay ” xukuumaduu go,aamo ay soo saartay go,aamadaas waa inaynu ka fikirna dadkii iyo shacabkii waxaa sida ay wax ugu Tareen adeegyada E-dahab iyo Zaad waa adeegyo dalal badan oo inagaa horeeyana ay isticmalaan oo toban sanno iyo wax ka badan isticmaalayeen si cilmiya looma xaqijiyiin in adeegyadaas ka qayb qataan sixirbaraarka Somaliland marka aynu eegno adeegyadaas faaiido badan ayay leeyihiin marka waxaaynu uu bahanahay inaynu arrintaas cilmiya ubaadhno iyadaa oo lagaa daynaayo caadifaada” Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland isagaa oo hadaladiisa sii wataa waxaa uu Yidhi ”
xukuumadda waxaa Aan usheegayaa inaan Nidaam maaliyadeed oo shaqaynayaay hawada lagaaga saari doonin muddo 48sacadood ah waxaanay uu bahantahay in wakhti la siiyo oo lagaa baraan deggo oo la Eego , xukuumadda waxaan leeyahay wixii lagu badali lahaa, maxaa yeelay marka wax la badalayo waa in la keeno wixii lagu badali lahaa waa inay xukuumaduu la timaado inagoo adeegii ayny ju badali lahayn keenin inaynu kaana Bubburina waa degdeg ayaa uu malaynaaya marka hadii la diri karo boqol dollar wax ka badan maxaa loo joojiya boqol dollar iyo wixii ka badan ”
Gabgabadii Gudoomiye cirro wuxuu bayaamiyay kulan xisbigoodii ku Gorfayn doono waxyaabaha ugu waaweyn ee sababa sixirbaraarka kulankaas oo ay qeyb ka Noqon doonan Ganacstada iyo sidoo kale khubrada dhinaca dhaqaalaha ” xisbi ahaana waxaan Egaayna inaanu qaabqaabino Kulan balaadhan oo lagu eegaayo sixirbaraar waxaana Kulankaasn loogu yeedhi doona baanka dhexe iyo xubno kamid sariflayaasha dalka iyo khubrada dhinca dhaqaalaha oo qiimayn doona waxyaabaha ugu weyn ee sababa sixirbaraarka dalka” ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaaho Cirro