SAWIRO COD: Ragii Gabadha ku kufsaday Galdogob oo Xukun Adag lagu riday…

0
340

Shan ka mid ah lix wiil oo bishii hore ee December laba hablood ku kufsaday duleedka Magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug, ayaa waxaa maanta lagu xukumay magaaladaasi.
Culima’udiinka deegaanka oo dacwadan gacanta ku haayay, ayaa ugu dambeen maanta go’aan ka gaaray dacwadaasi, iyadoona wiilasha lagu xukumay xabsi u dhaxeeya shan illa toban sano, ganaax lacageed iyo jeedal u dhaxeeya 100 illaa 200.
Xukunkan oo dibad-joog ay ka ahayd saxaafadda, ayaa waxaa hadana soo baxaya warar sheegaya in qoysaska wiilasha ay ku qanceen xukunka ay rideen culimada, oo lagu saleeyay Shareecada Islaamka.
Ammaanka goobta uu xukunka ka dhacay oo aad loo adkeeyay, ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland, Saalax Xabiib Jaamac, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Anisa C/qaadir Xaaji Muumin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, General C/qaadir Shire Faarax (Ereg).
Xukunkan, ayaa wuxuu ahaa mid ay si wayn isha ugu hayeen dadka Somaliyeed. Bulshada ayaa ku baaqeysay in ay cadaalad hellaan gabdhihii la kufsaday.

https://youtu.be/tvSNEi83Kac