Hogaamiyayaashii Afgambiga Ka Sameeyay Todobaadkii Hore Burkino Faso Oo Heshiis Nabad Gelyo Saxeexay.

0
334

Hogaamiyayaashii Afgambiga Ka Sameeyay Todobaadkii Hore Burkino Faso Oo Heshiis Nabad Gelyo Saxeexay.

Hoggaamiyayaasha afgambigii todobaadkii tagay ee Burkino Faso, ayaa la saxiixday heshiis nabadeed ciidamada rasmiga ee loogu talogalay inay u gogolxaaraan, sidii awoodda loogu soo celin lahaa dowladda rayidka ee kumeelgaarka aheyd ee la afgambiyay.

Dhowr hoggaamiye oo Afrikan ah oo uu ku jiro madaxweynaha Nigeria ayaa maanta dalka laga filayaa si ay ula socdaan awood wareejinta.

Heshiiska ayey xubnaha ilaalada madaxtooyada ee afgambiga ka dambeeyay aqbaleen inay ku laabtaan fariisimahooda, halka ay ciidamaduna ka baxayaan 50 kiilomitir magaalada xarunta ah ee Ouagadougou.

Hoggaamiyaha kooxda afgambiga ganaraal, Gilbert Diendéré, ayaa isna ballanqaaday in madaxweynaha kumeelgaarka, Michel Kafando, uu maanta xukunka ku soo laabandoono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here