Afhayeenka Ururka Al Shabaab Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Qaraxii Madaxtooyada Soomaaliya

0
368

Afhayeenka Ururka Al Shabaab Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Qaraxii Madaxtooyada Soomaaliya

(Warsugannews) Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere )ayaa faah-faahin ka bixiyeen bartilmaameedka qaraxii habeen hore maqribkii ka dhacay Afaafka hore ee Madaxtooyada Somaliya ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay weerarkaasi inay ku beegsadeen dhamaan xubnihii ka qaybgalay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee looga hadlaayay Siyaasada dalka Somaliya.

Sheekh Cali Dheere, ayaa wuxuu sheegay weerarka Ismiidaaminta ah uu fuliyay ruux ka tirsan Shabaab, islamarkaana ujeedkii loo qaaday weerarkaasi laga gaaray sida uu hadalka u dhigay.

“Hadafka waxa uu ahaa nimankaa Shirqoolka Umadda u dhigaayay ayuu ahaa Hadafka intaa isku duuban oo dhamaan ku shireysay Madaxtooyada ayuu ahaa Hadafka.” Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo la hadlay Idaacada Al Furqaan.

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi inuu yahay in ka badan 30 ruux inay ku dileen dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, sida uu yiri.

Cali Dheere ayaa ku faanay inaaney aheyn markii ugu horeysay oo Madaxtooyada Somaliya Qarax ay ka geystaan, isaga oo tusaale u soo qaatay inay ka dhex dagaalameen madaxtooyada Somaliya iyo Xarunta Xalane oo ah goobo amnigooda si weyn loo ilaaliyo.

Weerarkii Ismiidaaminta ee habeen hore Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, inkastoo uu aad u cuslaa, hadana khasaaraha ka dhashay qaraxaasi aad uma badneyn, marka loo eego baaxada Qaraxa, waxaana ku dhintay qaraxaasi 11 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 20 ruux ka badan.

Sheekh Cali Maxamuud Raage ( Sh Cali dheere)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here