“Xukuumadan kahor ,dawlad ayaynu ahayn caalamka waa uu ina Ictiraafsanaa, sideed iyo labaatan dawladood ayaa baasaboorkeena lagu tagi jiray, maanta aduunyada waynu ka soo xidhanay.”

0
337

“Xukuumadan kahor ,dawlad ayaynu ahayn caalamka waa uu ina Ictiraafsanaa, sideed iyo labaatan dawladood ayaa baasaboorkeena lagu tagi jiray, maanta aduunyada waynu ka soo xidhanay.”

Hargeysa(Warsugannews)Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye(Gacan) ayaa shacabka weydiiyay su’aal ah halka uu ku dambeeyay Madaxweyne Siilaanyo. Xildhibaan Gacan ayaa ka tirsan golaha guurtida. Isagoo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu yidhi “Maanta hadalka aynu nidhaah waa waalalow,Shacabka Somaliland waxaan waydiinayaa Madaxwayne Cod badan ayaynu siinay kursiga uu fadhiyana Isaaq nimo ayaynu ku dooranay,wax kale kumaynaan dooran,marka horena isaga oo hadlayaba mahaynba oo qadiyad kasta oo dalka ka dhacda cidi kama hadasho, xitaa sheegashada Somaliland la sheeganayo ee ninka Xamar joogaa leeyahay naga mid weeyaan kamuu hadal. Markaas idinka waxaan idin waydiin lahaa laftiina,hortu madaxwaynaha aynu dooranay xaguu jiraa, majoogaa ma-maqan yahay,Meeshu uu jirana waan u baahnahay inaad iga jaahil saartaan meeshuu ku maqan yahay, dawlad ayaynu ahayn ninbaa hogaanka inoo hayay caalamka waa uu ina Ictiraafsanaa, sideed iyo labaatan dawladood ayaa baasaboorkeena lagu tagi jiray,maanta aduunyada waynu ka soo xidhanay.”

Waxa uu Xildhibaanku ka hadlay haamaha shidaalka Berbera iyo xoolaha dekedda ka dhoofay, waxaanu yidhi “Xoolaha dalka ka dhoofay tiradooda lama qiyaasi karo oo Malaayiin ayaa lagu qiyaasaa,Markaas Saro u kaca dollarka miyay inaga Jabin Kari wayday,waxa jira kooto sida haamaha dadka loogu xidhay oo kalaa,Dollarkii Cidbaa Kooto loogu xidhay ilaa Macaa Raashinkii,umadana waxa loo baahan yahay in La fahmo.”

Isagoo ka hadlaya haamaha, wuxuu yidhi xildhibaanku, ”Haamaha waxa loogu dhagan yahay oo ujeedka laga leeyahay yahay hadii la wareejiyo dalku sii daganaan maayo, dalkana halaga Daayo dhibaatada,wareejintu sharci maaha Somaliduna waxa ay tidhahaa Ninka Adhiga Lagala Quusto Ayaa geela Loo Diraa,waar shalay Total ayaa laga cabaadayee Maantana Miyaynu ku celinaa kuwii qaar ka sii daranba oon waxba garanayn,Maxay soo baxaysaa.”

Axmed-Muuse-Obsiiye-378×180

Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye(Gacan)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here