Madaxweyne Siilaanyo oo shacbiga ku tahniyadeeyey Ciidal Adxa, una duceeyey intii dhimatay iyo inta xanuunka u jiifta

0
552

Hambalyada Madaxweynaha ee Ciidal Adxa
Date: -23 / 09/2015
Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here