HOR DHAC: Leicester Vs. Chelsea

0
424

Chelsea oo uu ka jabay rikoorkii guulaha 13ka xiriirka ah ayaa booqan doonta King Power.

Leicester City oo hanatay horyaalkii hore iyo Chelsea oo hada u sharraxan ayaa fooda isku dari doonaa.

Wararka labada naadi

-John Terry kaarka cas ayaa loo taagay kulankii Peterborough mana dheeli doono ciyaartan

– Nathan Ake oo ka soo laabtay Bournemouth oo uu amah ugu maqnaa ayaa laga yaabaa in uu buuxiyo booskii Alonso oo shaki laga qabo

-Is bedel dheeri ah lagama filayo Antonio Conte, kaas oo dib safkiisa kowaad ugu soo celin doona Eden Hazard iyo Diego Costa.

-Jamie Vardy wuu soo laabanayaa kaddib markii uu kulan ku maqnaa kaarka cas

RAAD RAAC

-Leicester 23 ka mida 25kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay Premier League-ga ku dheeshay gurigeeda

-Chelsea 11 ka mida 12kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League-ga lagama adkaan

-Kulankii ugu dambeeyey ee ay Leicester City ku qaabisho Chelsea gurigeeda iyadaa 2-1 ku badisay

-Kulankaas waxa uu ahaa kii Mourinho ugu dambeeyey Blues hogaaminteeda

SAFAFKALA FILI KARO

Gegida: King Power

Saacadda Geeska Africa: 8:30Pm

Dhex dhexaadiyaha: Andre Marriner