Hore Ayaan U Idhi Waxaa Ugu Daran Kuwa Danyarta Xoolahooda Boobaya” Jamaal Cali Xuseen

0
491

Hore Ayaan U Idhi Waxaa Ugu Daran Kuwa Danyarta Xoolahooda Boobaya” Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa(Warsugannews) Hore Ayaan U Idhi Waxaa Ugu Daran Kuwa Danyarta Xoolahooda Boobaya” Jamaal Cali Xuseen
Musharaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID,ayaa Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Xukuumadda caadaysatay boobka hantida qaranka ee ka dhaxaysa Ummadda.

Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu sheegay Qof kasta oo Xoolaha Ummadda xaddaa aanu waxba ka faa’iidayn,isla markaasna ay isaga uun danbarsan doonto.

Jamaal Cali Xuseen,ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ,waxaanu u u dhignaa sida tan:-

“Hore ayaan u idhi waxaa Ugu daran kuwa danyarta xoolahooda boobaya, aakhirkana inay isku daweeyaan ayeey kaga dhamaan doonaan Wixii ay dhaceen, ifkana u magac xumo aakhirana way u danbeeysaa. Laakiin waxa Ka sii daran oo ka sii liita kuwa iyagu ogsoon waxaasi ee xiiqsan ee haddana ku taageeraya boobkaa hantidda Qaranka iyagoo eeganaya danno gaar ahaneed. Allahayoow Wanaaga na garansii.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here