Hargeysa iyo Berbera Oo Lagu Soo Bandhigayo Carwo Kalluun Lagu Muujinayo Noocyada Kalluunka Somaliland

0
633

Hargeysa iyo Berbera Oo Lagu Soo Bandhigayo Carwo Kalluun Lagu Muujinayo Noocyada Kalluunka Somaliland

Hargeysa(Warsugannews) Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland ayaa markii ugu horeysay dalka ka qabanayso carwo kalluun, taasoo lagu soo bandhigi doono noocyada kala duwan ee kalluunka dalkeena iyo sida loo farsameeyo.

Carwadan kalluunka oo ay dhawaan wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland ka qaban doonto magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa waxa lagu muujin doonaa awoodda dalka ee dhinac wax soo saarka iyo suuq-gaynta kalluunka.

Carwadan ayaa waxa ka qayb qaadan doono guud ahaan hay’addaha kala duwan ee wasaaradda wada shaqaynta leeyihiin. Sidoo kale waddamada jaarka ee Jabuuti, Itoobiya iyo IGAD.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) ayaa wargeyska Dawan xog-waran ka siiyay hanaanka ay carwaddaas u soo bandhigayaan wasaarad ahaan, taasoo ka kooban laba qaybood oo kala qabsoomi doona magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Agaasimaha oo ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Waxa dhawaan dalka laga samayn doonaa dabaal-deg iyo bandhig carwo oo kalluunka ah, waa hawl inagu cusub oo aan Somaliland hore looga samayn, markaa afar maalmood oo isugu jira dabaal-deg iyo bandhig carweed kalluunka ah, waxaana horeyn doona dabaal-degga kalluunka, kaasoo lagu qaban doono magaalada Berbera, laguna soo bandhigi doono awooddeena kalluun ee Somaliland leedahay, kalluunkii, doonyihii oo ay kalluumaysatadii ka hawl-galayaan oo ay soo qabanayaan kalluun, waxaana dekedda kalluunka lagu qaban doonaa xaflad weyn oo lagu soo bandhigi doono noocyada kala duwan ee kalluunka ee ay soo saaraan, ka dibna farsamayntiisii la gali doono, waxaana ku jiri doona tartan ah kalluunka qofka soo saara in la abaal marin doono.”

Agaasimaha guud ayaa sheegay inay dhammaan ka qayb qaadanayaan hay’addaha wada shaqaynta la leh wasaaradda, maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo daneeyayaasha dhinaca kalluunka.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here