Taageerada Denmark ee Somaliland Waxa Ay Leedahay Saameyn Muuqata” Michael Thyge

0
417

Taageerada Denmark ee Somaliland Waxa Ay Leedahay Saameyn Muuqata” Michael Thyge

Muwaadiniinta Denmark sida ay xog ogaal ugu yihiin xaaladda Somaliland ayaa ah mid si aad u soo kordheysa, waxaanay dadka reer Denmark ogaadeen in ay Somaliland tahay meel ka duwan Soomaaliyada kale,” Sidaasi waxa sheegay Michael Thyge Poulsen oo ah sarkaalka Ha’yadda caalamiga ah ee DANIDA u qaabilsan isku-dubaridka barnaamijyada xafiiskeeda Somaliland.

Sarkaalku waxa uu faahfaahin ka bixiyay taageerada dhinacyada badan leh ee dawladda iyo ha’yadaha aan dawliga ahayn ee Denmark ay u fidiyaan Somaliland.

Isaga oo ka hadlaya ogaanshiyaha soo kordhaaya ee dadka reer Denmark ka qabaan Somaliland, waxa uu soo qaatey inuu ku rejo weyn yahay in ka badan $700,000 oo doolar in ay kaga qeyb qaataan ardeyda dugsiyada sare ee dalkiisu taageerada Somaliland.

Ha’yada DANIDA oo ah gacanta wasaarada arrimaha dibada ee Denmark, waxa uu tibaaxey in ay tahay ha’yada kaliya ee horumarineed ee ajnebi ah ee ku leh shaqaale caalami ah oo waqti dhammaystiran ka howlgala kaalmada dibadda. Xafiiskani waxa uu dusha kala socdaa, iskudubaridka, kormeerka fulinta howlaha ka socda Somaliland iyo Soomaaliya.

Mr Poulsen oo ay xafiiskiisa Hargeysa wareysigan kula yeelatay Somalilandsun , waxa uu sheegay in ay howlaha horumarineed ee Denmark ku saleysan yihiin in ay ka qayb qaadato howlaha dal deggan oo awoodi kara inuu hanto amnigiisa, islamarkaana dhisto ha’yadahiisa wadi kara joogteynta horumarka dhaqaale, bulsho iyo deegaan iyo abuurista xaalado nololeed oo horumarsan.

Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay inuu ka helay Somaliland jawi iyo bey’ad d wada shaqeyneed oo aad u wanaagsan,islamrkaana uu jiro xidhiidh iskaashi oo diiran oo u dhexeeya dawladd iyo ururada bulshadaba. Haseyeeshee waxa uu xusey in ay jiraan in ay waqtiyada qaar la kulmaan arrimo khuseeya aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland, balse waxa uu tilmaamey in ay haatan aragtiyuhu isbeddelayaan, waxaanu sheegay in aanay raad ku yeelan shaqadooda iyo iskaashigaba.

Mr Micheal isaga oo ka hadlaya saameynta ay mashaariicdii hore ay u fuliyeen iyo kuwa socdaa yeesheen waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in ay teegardani sameynayso isbeddel.Waxa kale oo uu ku dheeraaday faahfaahinta mashaariicda ay fuliyeen iyo waxtarkooda. Isaga oo tusaale u soo qaatey jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa oo uu sheegay in ay hagaajintiisa gacan ka geysteen iyaga oo tageeraya sanduuqa SDF Somaliland oo ay Denmark ka qeyb qaadato.

Sida oo kale waxa uu soo qaatay taageerada ay u fidiyeen mashaariic helista biyo nadiif ah oo gobollada ay ka fuliyeen. Waxa kale oo uu soo qaatay taageerada ay u fidiyaan dugsiga xanaanada xoolaha ee Sheekh, rugta ganacsiga,komishanka kontroola tayada iyo wasaarada xanaanada xoolaha.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here