Ibra: Ronaldo oo kale in aan noqdo ayaan rabay

0
464

Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa shaaca ka qaaday in uu ku dayin jiray Ronaldo markii uu yaraa oo uu doonayey sidiisa in uu u dheelo.

Laacibka reer Brazil waxa uu bandhigyo wacan ka sameeyey Barcelona, Real Madrid iyo Inter halka uu noqday dhaliyaha ugu sarreeya koobka aduunka [15 gool].

Ibrahimovic oo isna waayihiisa quruxda badan ku soo kala matalay Barca, AC Milan iyo Paris Saint – Germain kahor inta uusan xagaagii tegay ku soo biirin Old Trafford ayaa dareensan in uusan jirin ciyaaryahan jooga casrigan oo lala simo ‘El Fenomeno’.

“Waxaan qabaa Ronaldo in uu ahaa cajiib,” ayuu u sheegay United Review.

“Waxa uu ahaa ciyaaryahanka wax walba ee uu sameeyo noqonayey WOW!

“Waxa uu sameyn karay wax adag oo noqon jiray cajiib. Waxa uu qaadan jiray kubadda waxa ayna ahayd sida in uu dhahayo ‘Hada aniga ayaa ka taxadaraya.’Hore uma jirin ciyaaryahan noocaas ah maantana  ma jiro. Ma jiro.

“Markii aan ahaa ciyaaryahan da’yar waan daawan jiray waxaana isku dhihi jiray ‘Sidaas oo kale ayaan doonayaa in aan noqdo’… ciyaaryahanka sameeya kala duwanaanshaha, nalka baxaya, sidaas oo kale.”