Qandaraaska Coutinho xeyn-daab ma leh. Yey faa’ido ugu jirtaa?

0
411

Philippe Coutinho ma laha xeyb-daab qandaraaska uu kula jiro Liverpool iyada oo ay jiraan warar sheegaya in Barcelona ay muujisay xiise ay u qabto, sidaas waxaa u sheegay ESPN FC  ilo xaaladda ka ag dhaw.

Weeraryahanka Brazil waxa uu kooxda Merseyside u saxiixay heshiis waqti dheer ah bishii Febraayo 2015 walina waxaa u dhiman saddex sano iyo bar.

Jariiradda saldhigeedu yahay Spain ee loo garanayo SPORT ayaa jimcihii warisay in Barcelona ay qorsheeneyso u dhaqaaqidda Coutinho, hase yeeshee ilo wareedyo ayaa ugu warramay ESPN FC in kooxda reer Spain aysan xiriir Liverpool arintaas kala soo sameyn.

Ilo wareedka ayaa intaa ku daray in 24 jirka ‘SI CAD AYUU UGU FARAXSAN YAHAY ANFIELD’ halka uu qandaraaska uu kula jiro dhacayo 2020.