Ibrahimovic oo TAALLO looga dhisayo gegida qaranka ee Sweden

0
334

waaxa qorey yaasir br

Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic waxa uu markii 11-naad oo xiriir ah ku guuleystay ciyaaryahanka sanadka jaa’isada lagu bixiyo, Goldenball.

Zlatan abaalmarintaas waxa uu ku guuleysanayey sanad walba tan iyo 2005 marka laga reebo 2006 oo uu muteystay laacibkii hore ee Arsenal Freddie Ljungberg.

35 jirka waxaa lagu xusi doonaa afaafka hore ee gegida Friends oo looga dhisayo TAALLO, sidaas waxaa laga soo xiganayaa Afton Bladet.

“Wiilka ka soo jeeda Rosengard waxa uu helay Taallo looga dhisayo caasimadda Sweden. Badanaa waxaad heshaa marka aad takto, laakiin wali waxaan darreemayaa in aan noollahay. Malinta aad baxdo waligaa waad noolaan doontaa. Markaa mahadsanid,” ayuu yiri Ibrahimovic.

Ibrahimovic oo dhawaan ka fariistay ciyaarayaha qaramada ayaa ah dhaliyaha ugu sarreeya ee Sweden taariikhiyan [62 Gool].

Hore Zlatan waxa uu u sheegay hadii ay aargada caanka ah eek u taal Paris Eiffel Tower in uu baaqi ku ahaan doono Paris Saint – Germain.