Labo Arday oo ajaanib ah oo dhex jiifatay Old Trafford iyadoon laga war hayn ka hor kulankii Arsenal…(Walaac wayn oo soo wajahay amniga garoonka)

0
318

waaxa qorey yssir br

Walaac wayn ayaa soo wajahay amniga garoonka Old Trafford kaddib markii ay dhex jiifteen labo Arday oo ajaanib ah ka hor kulankii Arsenal si ay free ama bilaash ugu daawadaan kulankii dhex maray Red Devils iyo Gunners ee ku idlaaday 1-1.

Labadan arday ayaa ka faa’iideystay ilaalada aan taxaddarka badnayn waxayna dhex jiifteen garoonka si ay u daawadaan kulankii sabtida kaddib markii ay dalxiis u yimaadeen Old Trafford jimcihii.

Ardeydan ajaanibta ah ayaa isku qariyay Suuliada/Musqusha markii ay baxayeen saaxiibada kale ee iyana dalxiiska u yimid garoonka lagu naaneyso Masraxa Riyada , waxaana la ogaaday uun subixii dambe inay dhex jiifteen garoonka.

Arrinkaan ayaa ka cabsiinaya maamulka sare ee kooxda Man United kaddib wixii dhacay bishii May kolkaa oo la raray kulankii ay Man United la lahayd Bournemouth kaddib markii walxaha qarxa laga sheegay suulida Old Trafford inkastoo markii dambe ay noqdeen wax aan jirin.

Man United ayaa wixii markaa ka dambeeyay soo rogtay in dib loo eego amniga garoonka iyagoo shaqo galiyay shirkad dheeri ah oo kor kala socota amniga garoonka.

“Fashilkii Bournemouth kaddib, waxay dib u tababareen dhammaan shaqaalaha waxayna quwad ku soo dareen amniga laakiin tan ayaa dhacday misane.”. Ilo wareed la helay ayaa sidaa lagu yiri.

Inkastoo ay Man United sheegtay in labadii arday ee dhex jiifatay garoonka aysan keenin wax khatar ah, balse ka war-qab la’aanta amnigooda ayaa walaac abuureysa.

Booliska ayaa loo yeeray markii la helay labada Arday balse lama xirin sida la wariyay, laakiin Man United ayaa soo rogtay in baaritaan gudaha ah lagu sameeyo wixii dhacay.