IGAD Maxay ii Tahay? Prof. Maxamed Siciid Gees – Hargeysa

0
412

IGAD Maxay ii Tahay?
Prof. Maxamed Siciid Gees – Hargeysa
“Wa leylin ka mawjil baxri arkhaa suduulahu
Calaya bi anwaacil humuumi li yabtalii
Alaa ayuhal leylu dawiilu injali bi subxin
Wamaa asbaaxu minka bi amsalin”
Umru-qays
“Habeen yahow dheeri waad I dhibtee,
Dharaartuna Iima kaa dhaantee
Waad ii kala dhigan tihiin dhamaateen
Ee miyaanad iga dhamaanayn”
Yusuf Xaaji Aadan
Shan Milyan (5m) oo ruux oo Soomaali ah, ayaa cunto yarid la soo deristasy, saddex boqol oo kun (300,000) oo carruur ah ayaa macaluuli haysaa, konton kun (50,000) macaluul ayey la il-daran yihiin, sida xafiisyada Jimciyadda Qaroomaha ee ka hawlgala Somalia iyo Somaliland ay sheegeen.
Wax-is-bidayaashii (Elites) bulshadu waxay ku foogan yihiin loollan kursi iyo hadal ma-dhalays ah iyo xafladu lagu qabto huteellada qaaliga ah, dabadeedna Maxaysatadu Tv-yada ay ka daawadaan cuntada la isla dhacayo! Marba Xisbi iyo Urur ayaa loo dayaamayaa, kii shalay Muxaafidka ahaa oo Mucaarid ah iyo Mucaaridka ahaa oo Muxaafid noqday. Habeenkaas dheer ayaa lagu jiraa, dharaartuna waxba ma soo waddo.
Warbaahinta gudaha waxa ayaamahan buuxiyey warar ku saabsan Urur-gobolleedka IGAD iyo War-murtiyeedkii ka soo baxay Shir-madaxeedkii ka dhacay Muqdisho oo Madax badan oo reer Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweynuhu, Haybadle Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka dareen-celiyey War-murtiyaadkaas.
Haddaba, shirka lagu qabtay Muqdisho kama soo wada qaybgelin wafuuddii la filayey oo uu ka mid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaciil Cumar Geelle sida warbaahintu sheegtay diyaaraddiisii ayaa iyada oo Muqdisho ku dhaw cilad farsmo gashay, dabadeedna ay Djibouti ku noqotay. Allaahu run, inkasta oo Muqdishu iyo Nairobi uga dhowaayeen, Djibouti haddana sidaas ayuu uga baaqday Shir-madaxeedka IGAD,
Madaxweynaha Sudan Cumar Bashiir waa ka cudurdaartay imaatinka shirka oo waxay tidhaahdaa Carabtu “Al-qaa’ib Lahu xujatuhu,” oo Af-soomaali ku noqonaysa; “Ka maqani warkiisa leh.” Waxa la sheegayaa inuu ka cabsaday shirqool loogu gacangelinayo Maxkamadda Khawaajiyaasha ee raadinaysa, halka aannu kaba iman Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki shirarka IGAD.
Shirka waxa ka qaybgalay shirkii, Uhuru Kenyata (Kenya), Museveni (Uganda) Iyo Haiel Mariam (Ethiopia) iyo Xasan Culusow (Somalia) oo marti loo ahaa. Saddex Madaxweyne oo mesiixi ah, halka labadii Madaxweyne ee Muslimka ahaa waa ka yabaaleen Shir-madaxeedka IGAD ee Muqdisho.
Haddaba, sannadihii kontomeeyada ee qarnigii labaatanaad (1950…) waxa caan ahaa hadalhays kaftan ku bilaabmay oo ahaa “Khayro maxay noo tahay?”
Khayro waxay ahayd Islaan lahayd Marfash lagu qayilo oo deganayd Berbera. Khayro waxay fadhiisan jirtay iridda Marfashka oo laydh qaboobi ka soo dhacdo, ninkii Marfashka fadhiistaana waxa uu siin jiray laamo jaad ah oo caado noqotay.
Oday jaajaale ah ayaa maalintii dambe la dhaafay laantii jaadka ahayd, markii lagu waada qayshay ayuu yidhi; “Khayro Marfashka halka ugu qabaw ayey fadhiisataa, falaasta shaaha ugu fiicnna way qaadataa, jaad bilaash ahna waa la siiyaa…. ee maxay noo tahay Khayro?” halkaas ayuu ku baxay hadalhaysku. Haddaba aan soo xiganee “IGAD maxay noo tahay?”
1986 oo dagaalkii qaboobaa ee Ruushka iyo Maraykanku uu xaami yahay. Maraykanku waxa uu Saldhig military ka samaystay Berbera, Ruushkuna Itoobiya ayuu degganaa. Dawladda Maraykanka ayaa u soo dhiibtay dawladdii Somali Democratic Republic fikradda Urur-goballeedkan. Waxa magaciisu ahaa IGADD: Inter Governmental Agency for Drought and Development. Sida ku cad magacaa, abaaraha iyo horumarka ayey IGADD shaqo ku lahayd. Siyaasad iyo amni (Security) iyo nabadgelyo iyo ictiraaf hawl kuma lahayn. Lixda dawladood (Somali Democratic Republic, Ethiopia, the Sudan, Uganda, Kenya, Djibouti) ayaa ku bahoobay ururkan. Waxa dalalkan ka dhexeysay colaad weyn. Somali democratic Republic iyo Ethiopia gooni ayey isu haysteen, Sudan iyo Uganda, Sudan iyo Ethiopia, Kenya iyo Uganda. Dawladiba ta ay la colka tahay ayey jabhadad la dagaalanta martigelisay oo ay haysay, sidaas darteed ayaa hawlaha ururka loogu koobay abaaraha iyo horumarinta keliya.
Xarunta Ururka IGADD waxa laga dhigay Djibouti caasimadda Jamhuuriyadda Djibouti. Djibouti kama mid ahayn baarqabada laactamaya ee colaaddu ka dhexeyso ee waxay ku jirtayba “All night long.” iyo cawaysyada xeebta ku dhereran.
Sannadkii 1993 ayaa Eritrea ay ka mid noqotay ururka IGADD markay ka goosatay Ethiopia. Sannadkii 1995 markii UNSOM iyo Ciidammada Maraykanku ku guul-darraysteen siyaasaddii ay dalkii Somali Democratic Republic la odhan jiray ka lahaayeen ee ay maalin cad ka huleeleen; ayey Dawladda Marakaynku xeelad kale la timi.
Sannadkii 1995 Shir-madaxeed ayey yeelatay IGADD ayaa lagu beddelay magacii iyo axdigii ururka oo loo bixiyey IGAD. (Inter Governmental Agency for Development). Waqtigaas dawlad Soomaaliyeed ma jirto oo ma saxeexin heshiiska ururkan cusub iyo axdigiisa cusub. Maxaa kuu baxay Boowe!!
Waxa Laga dan lahaa in ururkan cusubi oo ay horumood ka yihiin Ethiopia iyo Eritrea wax lagaga qabto Somalia iyo Southern Sudan (Soodanta Konfureed). ayaan-darro waatii dagaalku ka dhex qarxay labadii dawladood ee Ethiopia iyo Eritrea sanadkii 1998. Sidaas ayaa barnaamijkii uu dib ugu dhacay oo 2006 iyo 2007 ayaa Ciidamo Ethiopia iyo Uganda ka socdaa ay Muqdisho degeen.
Soomaaliya ururkan cusub ee IGAD sharciyan xubin kama aha, haddii ay hadda dib u codsato inay ka mid noqoto oo aanay weli qaadin tallaabadaas, ma xalaalaynayso (Retroactivey) wixii go’aanno ee ururkaasi ka gaadhay arrimaha Somalia oo aan xubin ka ahayn. Waa qayro sharci tallaabooyinkii iyo hawlgelladii lagu gallay go’aanda ururkaasi. Wixii khasaare iyo dhimasho ee dhibaato ka dhalatay hawlgalladaas waxa qaba ururka IGAD. Waa lagu dacwayn karaa dhibaatooyinkaas ururka IGAD. Boowee maxay horta IGAD noo tahay? Reer Xamarku waxay waagii hore ku heesi jiriin:
Kuwii digirta xadooyaa,
Ma la soo xidhooyaa
Hadda waxay dhehaan:
Kuwii doolarka xadooyaa …
Ha la soo doortooyaa”