Ilhaan Cumar Oo Shaacisay In Trump Uu Mas’uul Ka Yahay Dhimashada Aabbaheedacisay In Trump Uu Mas’uul Ka Yahay Dhimashada Aabbaheed

0
301

Ilhaan Cumar ayaa ku eedeysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu mas’uul ka yahay dhimashada aabaheed, oo cudurka COVID-19 u geeriyooday.

Ilhaan oo wareysi siisay taleefishinka MSNBC ayaa tidhi “aabahay iyo 300,000 oo shacab ah ayaa noloshooda waayey sababtoo ah dayacaad halis ah oo dambiilenimo ah oo ay sameeyeen Trump iyo maamulkiisa.”

“Aabbahay waxa aheyd inuu halkan nala joogo maanta. In badan oo ka mid ah xubnaha qoysaskeena waxay ahayd in maanta halkan nala joogaan, balse nalama joogaan sababta oo ah waxaan leenahay hoggaamiyeyaal aan kala jeclen noloshooda,” ayey tidhi.

“Madaxweynaha illaa iyo maanta dhibic naxariis ah uma muujin dadkii geeriyooday. Illaa iyo hadda ma qirin khasaaraha ba’an ee in badan oo naga mid ah aan dareemeynoa” ayey hadalkiisa kusii dartay.

Ilhaan Cumar ayaa taageertay qoraal uu soo saaray agaasimaha aqlabiyadda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, Jim Clyburn oo sheegay inuu helo caddeymo muujinaya in maamulka Trump uu faro-gelin siyaasadeed ku sameeyey xarunta Maareynta Cudurada ee CDC, taasi oo la xidhiidhay cudurka COVID-19.

“Waan ku raacsanahay Clyburn. Balse waa inaan sameynaa intan ka badan. Waa in la baadhaa oo la maxkamadeeyaa kuwa mas’uulka ka ah dhimashooyinkan,” ayey tidhi.

Ilhaan Cumar aabbaheed ayaa 15-kii June 2020 u dhintay cudurka COVID-19, isaga oo 67 jir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here