Shir Madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD Oo Maanta Ka Furmaya Dalka Jabuuti

0
289

Maanta oo Axad ah 20 Dec 2020 ayaa lagu wadaa in dalka Jabuuti uu ka furmo shir madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD.

Shirkan ayaa waxaa si guud loogu eegi doona arrimaha siyaasadda iyo xaalada dalalka ku midoobey IGAD gaar ahaan khilaafka Diblomaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, xaaladda gobolka Tigreey ee dalka Itoobiya iyo saamaynta  Covid 19 ee wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay IGAD u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya.

Balse dowladda Kenya laftirkeeda ayaa sheegtay in ay IGAD hor geyn doonto ashtako ka dhan ah Soomaaliya, waxaana ay marar badan Kenya ku celcelisay in Dowladda Soomaaliya dusha ka saareyso eedeymo ayna laheyn.

Shirkan ayaa ugu danbeyntii laga soo saari doonaa war-murtiyeed soo koobaya nuxurka wax-yaabihii lagu heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here