Illahayaw Meeshaa Somalia Maxay Nagu Haysaa Sheeko Gaaban

0
771

Illahayaw Meeshaa Somalia Maxay Nagu Haysaa Sheeko Gaaban

Waan Dhintay waxaanan u quluulay hoos markaan cabaar hoos Usii socday ayaan waxaan galay meel barwaaqo

Waa sheeko musalsala oo kamidda sheekooyinka ay curiyaan

Dadka aqoonyahakaa ama saaxiibul xikimka ah ee somalida

Ku jiraa nin ayaa yidhi waxa igu dhacaday xabad seeraaro ah

Amma wiifto ah hadaba sidda loo yaqaano kadib wuxuu yidhi

Waan Dhintay waxaanan u quluulay hoos markaan cabaar hoos

Usii socday ayaan waxaan galay meel barwaaqo ah oo cagaara

Waxaan meeshii cosobka ahayd dhexmushaaxaba markaan

Meel dhexe maraayo ayaa waxan soo gaadhay gurri wayn

Oo uu dhex taaganyahay nin dheer oo cad oo weji qurux badan

Rag kale oo badanina ay la joogaan dabeed ninkii dheeraa

Ayaa wuxuu xagayga usoo taagay ama usoo fidiyay gacantiisa midig

Gaar ahaan fardhexadiisa ayuu halkaa salaanta igaga beegay

Kadib sida birlabtu xaddiidka usoo jiidato oo kale ayaan xagiisii

U weecday waxaanu markii aan guriga dhxdiisii gaadhay

Iguyidhi magacaa dabeed waan usheegay magacaygii waxaanu

Iga baadhay buug way oo halkan agtiisa yaala dabeed magacaygii

Ayuu ka waayay waxaanu igu yidhi xagaad katimi?

Waxaan ugu jawaabay iftiinkii wuxuuna igu yidhi buugan kuma jirtid

Ee iska soco waxaanan uga dhaqaaqay halkii wejigaygayga ku beegnayd

Markaan hal cabaara socday oo aan kolba kasii baxaayo cagaarkii

Iyo barwaaqadii iyo qabawgii oo aan kolba dareemo kulayl iyo omosba

Waxaan galay meel kulul oo guban oo madaw oo haraadka iyo diifta

Aad yaabayso markaan xoogaa dhexmaraayay meeshii halaagnayd

Ayaa waxaan arkay guri madaw oo aad daamur mooddo oo uu dhex

Joogo nin madaw oo xoog wayn oo aanad wejigiisa eegi karayn

Oo ay ag joogaan rag kale oo badani sidii ninkii hore ee aan soodhaafay

Ayuu isna gacantiisa bidix xagayga usoo fidiyay aniga oo waraaq ahaana

Ataan sidii oo kale xagiisa u dhaqaaqay markii aan gaadhay gurigii

Uu dhexjoogay ayuu sidii oo kale iwaydiiyay magacayga waanan usheegay

Wuxuu kabaadhay buug madaw oo halkan agtiisa yaala sidii oo kale

Ayaa buugii kalena magacaygii looga waayay dabeedna wuxuu igu yidhi

Xagaad Kasoo dhimatay ?

Waxaan ku idhi iftiinkii wuxuu igu celiyay haaye waddankee ?

Waxaan ugu jawaabay Somalia dabeedna intii hareeraha eegay ninkii

Madoobaa ayuu yidhi Ilaahayaw meeshaa somalia maxay nagu haysaa

Maalin walba midaan wakhtigiisii dhamaan oo aan buuga naarta iyo ka janada

Midna ku jirin ayay nagusoo dedejinayaan

Wa Bilaahi Tawofiiq

By Sacad Cali Kaahin plucky

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here