Boqorada Ingiriiska oo noqotay haweenaydii ugu mudada dheerayd

0
1237

Maxaad Ka Ogtahay Boqoradii Ugu Mudada Dheerayd Dalka Britain??

Hargeysa(Warsuagnnews)-Boqoradda dalka Britain, Queen Elizabeth, ayaa dadwayne isku soo baxay oo sacabatumaya ay ku soo dhoweeyeen Scotland, iyadoo noqotay boqoraddii waqtiga ugu dheer xukunta dalka Britain.

Boqoradda Elizabeth ayaa gaadhay caasimadda Scotland ee Edinburgh si ay u furto qad cusub oo tareenada ah.
Waxay ku soo beegmaysaa maalin ay noqotay boqoraddii ugu xukunka dheerayd taariikhda dalka Britain.

Waxay boqorad ahayd lixdan iyo sadex sano, todoba bilood iyo laba maalmood.
Waxaa hore xukunkii boqortooyo ee ugu dheeraa madax u noqotay ayeydeed sadexaad, boqorad Victoria.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, John Major ayaa sheegay in isaga iyo kow iyo toban ra’iisul wasaare oo hore ay xilka isku badaleen, ayaa boqoraddu ay mar walba ahayd mid si buuxda qayb uga ah nolosha Britain.
Iyadoo ah boqortooyo dastuuri ah, ayay hadana madax u tahay shan iyo toban dal oo dalalka la isku yiraahdo barwaaqo-sooranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here