Kalluumaysato U Dhalatay Waddank Hindiya Oo Xulafada Sucuudigu Ku Dileen Xeebaha Yemen.

0
449

Kalluumaysato U Dhalatay Waddank Hindiya Oo Xulafada Sucuudigu Ku Dileen Xeebaha Yemen.

Yemen(Warsugannews)-Waxaa bariga dalka Yemen la sheegayaa in lagu dilay 22 qof oo kalluumeysato ah, kuwaasi oo ka soo jeeday dalka Indiya Dilka kalluumeysatadan ayaa yimid kadib markii xeebta Al-Xudeyda ee Yemen lagu duqeeyay, waxaana duqeyntaasi geystay xulafada uu hogaaminayo dalka Sacuudiga.

Waxa ay wateen kalluumeystadaasi labo doon oo ay ku jilaabanayeen kalluun.
Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Hindiya ayaa sheegtay in ay raadinaysao macluumad ku saabsan duqeynta loo geystay muwaadinintooda.
Si kastaba ha ahaatee dowladda Hindiya ayaa xidhay safaaraddii ay ku lahayd dalka Yemen sanadkan 2015.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here