Sannad-guurada 20aad ee Dugsiyada NUURADIIN oo lagu Fooladeeyey Horumarkii u Uu Gaadhay

0
376

Sannad-guurada 20aad ee Dugsiyada NUURADIIN oo lagu Fooladeeyey Horumarkii u Uu Gaadhay

Hargeysa (warsugannews)- Sannad-guurada 20aad ee ka soo wareegtay aasaaskii dugsiyada NUURADIIN, ayaa astaan u noqotay horumarkii ugu ballaadhnaa ee waxbarasho gaar loo leeyahay ku tallaabsatay dalka.

Xaflad qurux badan oo loogu fooladeeyey 20ka sanno ee ka soo gudbay dugsiyada NUURADIIN oo aasaaskoodu ku beegnaa bishii December sannadkii 1995, isla markaana maamuus u ahayd bilowga sannad-dugsiyeedka cusub ee 2015 – 16, taas oo lagu qabtay huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa shalay, waxa ka qaybgalay madax iyo mudan fara badan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro, masuuliyiinta axsaabta siyaasadda, culimaa’udiin, madaxdhaqameed, waxgarad, maamulka, macallimiinta iyo waalidka ardayda dugsiyada Nuuradiin.

Maamulaha guud ee dugsiyada NUURADIIN, ahna aasaasihiisii Mr. Mahad Ibraahim Maxamed oo hadal ka jeediyey furitankii xafladdaasi, ayaa si qiiro leh uga sheekeeyey taariikhda iyo waayihii uu la soo maray oo markii uu fikirkiisa bilaabay ahayd waqti dhibaatooyin badani ka jireen dalka oo dadku faro-madhnaan kala soo noqday qaxoonti, qaarnoodna weli maqnaa, guryaha iyo magaalooyinku burbursanaa oo aanay jirin adeegyo waxbarasho iyo hamigeedu toona.

“Dusiga NUURAADIIN waxa uu ku bilaabmay qol yar, siddeed arday oo caw yar ku fadhiista iyo macallin keliya, weligayna kamaan fikirin maanta oo kale ayaad gaadhi doontaa, laakiin waxa ii caddaa in aan socdo oo aan dadaal sameeyo oo aniga iyo kooxda faraha badan ee ninba mar ku soo biirayey ee maamulka iyo macallimiinta dugsiyada Nuuradiin leh uu yoolkayagu ahaa in aannu soo saarno arday reer Somaliland ah oo macno, aqoon, akhlaaq, diin iyo dhaqan intaba ka dhisan oo ummadda wax ku soo kordhiya, guushiina Ilaahay wuu na gaadhsiiyey oo 20 sanno ka hor iyo maanta farqiga u dhexeeya dhaayahaad ku aragtaan,” ayuu yidhi Mahad Ibraahim, waxaannu intaasi ku daray, “Siddeedii arday ee aannu ku bilownay Nuuradiin waxay marayaan 21 kun oo arday, qolkii yaraa ee cawdu taalayna wuxuu marayaa Nuuradiin ka kooban yahay 8 dugsi oo kala duwan oo isugu jira dugsiyo sare, dhexe iyo hoose iyo weliba kuwa barbaarinta carruurta yaryar, kuwaas oo qalabkii ugu fiicnaa ee aynu awood ahaan heli karaynay iyo agabkii ugu fiicnaa wax ku barta. Macallinkii kelida ahaa ee bilaabay waxay marayaan maanta 900 qof oo maamul, macallimiin iyo shaqaale isugu jira. Oradkii iyo dadaalkii Ilaahay wuu garab galay, waana rabbitaankiisa oo aannu uga mahadnaqaynaa.”

Waxa kaloo uu goobta ka shaaciyey 693 arday nasiibkoodu ku simay inay helaan abaalmarino sannad-guurada 20aad ee Nuuradiin, kuwaas oo ku guulaystay saddexda kaalmood ee u sarreeya iyo akhlaada fasallada dugsiyada sare, hoose/dhexe iyo barbaarinta carruurta ee sannad-dugsiyadeedkii hore.

“Ardayda halkan abaalmarinta lagu siinayo ee tiradoodu tahay 693 waxay isugu jiraan 346 wiil iyo 347, tirada hablaha ayaa mid dheer ta wiilasha,” ayuu yidhi Maamul Mahad.

Dhinaca kale, masuuliyiinta axsaabta oo kala ah; Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa dhambaalo hambalyo iyo bogaadin ah u diray guusha wayn ee uu gaadhay dugsiga Nuuradiin ee keentay in kumanaan arday ahi ka aflaxaan sannad walba, iyagoo maamulka iyo macallimiintana ku dardaaray inay dadaalkooda sii wadaan.

“Haddii aynu runta eegno horumarka uu sameeyey Nuuradiin cawdii yarayd ee uu ku bilaabay ilaa maanta dugsiyada uu dhisay waynu aragnay, iminkana waakaa doonaya inuu jaamacaddii dhiso, Mahad wuxuu qof qorshe iyo ujeeddo lahaa. Markaa bani’aadamku hadday qorshe iyo yool samaystaan oo dadaalaan way gaadhaan.” Sidaa waxa yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-siiro), Dr. Edna Aaden iyo Marwo Faadumo Siciid oo iyaguna ka mid ahaa mudantii xafladda ka hadashay, ayaa ammaanay heerka horumar ee uu ku tallaabsaday dugsiga Nuuradiin ee hormoodka ka yahay Maamule Mahad Ibraahim Maxamed oo ay ku tilmaameen nin shaqaystay abaal iyo khayr fara badan, isla markaana waxay u hogo-tusaaleeyeen bahda waxbarashada iyo shacabkaba inay raacaan dariiqa guusha ee uu jeexay Nuuradiin.

Sidoo kale, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada – Maxamed Biixi Yoonis iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weliba Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, ayaa iyaguna soo dhaweeyey guulaha xad-dhaafka ah ee Nuuradiin ka soo hooyey waxbarashada oo uu tayadeeda kor u qaaday, isla markaana ay faa’iido wayn u tahay dalka jiilasha aqoonta ku lebbisan ee uu sida joogtada u soo saarayo.

Geesta kale, waxa madasha lagu daawaday filim qiiro geliyey ka qaybgalayaashii xafladda oo si kooban loogu soo bandhigay taariikhda dugsiyada Nuuradiin ee xilligii aasaaskiisa oo ku beegnayd burbur baaxad leh oo haystay magaalada Hargeysa ilaa horumarka waqtigan.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo Maamulaha guud ee Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed waxay halkaasi abaalmarino qaali ah ku guddoonsiiyeen 693 arday ee kaalmaha hore galay, iyadoo Maamule Mahad uu goobta kaga dhawaaqay inuu kafaalo qaaday bixinta kharashka ku baxaya waxbarasho jaamacadeed oo caafimaad uu doortay ardaygii ugu sarreeyey imtixaankii shahaadiga dugsiyada sare ee Somaliland dhan ee sannadkan oo ka tirsanaa dugsiga sare ee Nuuradiin wiilasha.

WARSUGANNEWS

Warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here