Wasiirka Madaxtooaydda Oo Ka Hadlay Afar Munaasibadood Oo Uu Maalin Kaliya Isu Maray

0
389

Wasiirka Madaxtooaydda Oo Ka Hadlay Afar Munaasibadood Oo Uu Maalin Kaliya Isu Maray

19km Oo u Dhaxeeya Kala Baydh Iyo Dilla Oo Laga Bineeyay Laami Cusub Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Oo Kormeeraywark

Hargeysa(warsugannews)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa kormeer ku tagay jidka isku xidha Kala-baydh iyo Dilla oo lagu sameynayo dayactir balaadhan oo daamur cusub la dhigay masaafo dhan 19 Km.

Wasiirku waxa kale oo uu maanta oo kaliya ka qeyb galay saddex munaasibadood oo kale, kuwaasi oo ka lahaa xaflad loo sameeyay dhismaha jid dugsiga Ilays ku xidhaya magaaladda Hargeysa iyo labaatan sanno guuradii ka soo wareegtay aasaaskii dugsiga Nuuradiin.

Siday faafisay shabakadda Gudgudenews, Wasiirka Madaxtooyaddu waxa kale oo uu lacag ka gudoomay jaaliyadda Somaliland ee galbeedka London oo lacag ugu deeqay jidka Ceerigaabo, sida uu ku faahfaahiyay mareegtiisa Internet-ka ee Guusha.com, waxaanu ku daabay qoraal kooban oo uu kaga sheekeeyay afartaas meelood ee uu shalay isku maray.

Ka Qeyb-gelkii Jidka Dugsiga Ilays Iyo Hargeysa

“Saaka (shalay) abaaro 10kii subaxnimo waxaan u jihaystay ka qayb-galka munaasabad loo sameeyey furitaanka jidka dugsiga sare ee Ilays ku xidha magaalada inteeda kale, munaasabadan oo ka qabsoontay barxada hore ee dugsiga ayey maamulka iyo macalimiinta dugsigu uga mahad celiyeen cid walba oo taageero dhaqaale iyo mid farsamo-ba ka caawiyey intii ay ku hawlanayeen dhismaha jidkan waxtarka badan u leh ardayda ah mustaqbalka dalkan oo subax walba dhib ku qabay maritaankeeda.

Walaw dhismaha jidkani ahaa shaqada golaha deegaanka hadana ka Wasaarad ahaan maadaama dhismaha waddooyinku na hoos yimaadaan sidoo kalena aan ardayda dalka qiimayn weyn u hayno waxaanu ka gaysanay gacan iyo garab wax walba oo jidkani nooga baahna waanan ku faraxsanahay in maantaba boqolaal arday kaga raysan doonaan dhib iyo dheeli wixii ay ku qabeen jidkii rafka iyo rafaadka badnaa.”

Ka qaybgalka 20-guuraadii kasoo wareegtay yagleelka dugsiyada Noradin.

Isla saaka waxaan ka qayb-galay munaasabad bilan oo ka qabsoontay Huteelka Guuleed ee caasimada Hargeysa, ujeedada kulankan oo ahayd dabaal-degga 20-guuradii kasoo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay dugsiyada kaalinta mugga iyo magaca leh ee Noradin Schools ayey ka soo qaybgaleen boqolaal ka soo aflaxay dugsiyada Noradin, waalidiin iyo marti sharaf madax iyo masuul-ba lahayd.

Intii munaasbadu socotay waxaa si heer saraysa loo soo bandhigay sooyaalkii iyo marxladihii kala duwanaa ee ay soo mareen dugsiyada Noradin Schools taasi oo tusaale fiican u noqon karaysa samirka, adkaysiga, iyo dal aaminkaba.

Waxaan kala hadlay in ka sakow taariikhda quruxda badan ee dalka hadana loo baahan yahay in sawir rajo badan ardayda laga tuso mustaqbalka waayo hilaadinta mustaqbalku waa iftiin qofka ugu yeedha in uu horusocod iyo rajo u abuuranto isla markaana loo baahan yahay in Alle la aamino lagana dhur sugo dalkeena dihin ee daboolan.

Gudoonka deeq lacageed oo jaaliyada Galbeedka London u soo hibeeyeen Jidka Ceerigaabo

Isla duhurnimada maanta ayey ahayd kadib markaan deeq lacageed oo dhan $4,000 “Afar kun oo doolarka Maraykanka ah” ka gudoonay jaaliyada galbeedka London taasi oo ay u soo hibeeyeen jidka Ceerigaabo ee hawshiisu socoto.

Deeqdan ayaa noqonaysa mid muujinaysa sida jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool daafaha dunidu uugu heelan yihiin horumarinta dalkooda isla markaana hiil hagar la’aan ah uula barbar joogaan kolba hawsha socota.

Waxaan leeyahay aad baad uugu mahadsan tihiin deeqdan aad u soo hibayseen jidka waana mid qarankiinu idiin ogyahay Insha Allaahu halka Alle-na ka heli doontaan.

Sidoo kale guud ahaanba jaaliyadaha dibada iyo daljoogaba waxaan ku boorinaya in ay kaalin mugle ka qaataan horumarinta dalkooda. “Daawanaayoow waa Dalkaagii!”

Kormeerka iyo dardar gelinta dayactirka jidka isku xidhaya Kalabaydh iyo Dilla

Isla galabnimadii maanta waxaan kormeer ujeedadiisu tahay dardar gelin iyo kuur-gal u tagnay shaqada ka socota Kalabaydh iyo Dilla ee galbeedka Somaliland halkaas oo shaqo baaxad badan ka socotay.
Socdaalkan shaqo oo ay igu wehelinayeen Wasiirro, madaxda sanduuqa horumarinta Somaliland “SDF”, masuuliyiinta wakaaladda horumarinta Waddooyinka “RDA” iyo shirkada qandaraaska ku heshay hirgelinta jidkan ayaan dib u eegnay jadwalkii shaqo ee horay loo dajiyey iyo halka ay maanta ka marayaan waxaanan ku boorinay in inta dhimana si hawlkarnimo badan u gutaan maadama uu yahay jid muhiimad weyn u leh isu-socodka bulshada.

Jidkan oo ka koobnaa 19km ayaa shaqada hadda ka socota noqonaysaa wax daamuurkii la saaray iyo in laamidii hore laga qaaday maadama burbur badan ku yimid isla markaana loo diyaarinayo in la saaro daamur cusub.

Guud ahaanba shaqada goobta ka socotay ayaa ahayd mid la mahadiyo waxaanan ku rajo waynahay in ay u qabsoonto sidii loogu tallo galay isla markaana dhismaha jidkan ayaa noqon doono mid lagu nasto dad iyo gaadiidba.Wa Bilaahi Tawfiiq.”

warsugannews

warsuganmedia@gmaill.com

HRGEYSA/OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here