Inkooxdiisa Barcelona Ay Hanashada Horyaalka Ugu Cad Cadahay, Kulanka Athletic Bilbao Ee Ay Barcelona Ku Farandoonto Horyaalka La Ligaha Iyo Waxyaabihii Uu Enrique Shirkiisa Jaraa’id Kaga Hadlay

0
776

Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa saxaafada ka soo muuqday ka hor inta ayna Barcelona ciyaarin kulankeeda ugu horeeya horyaalka Spain ee La Ligaha ee xili ciyaareedka cusub. Barcelona ayaa dib ugu laabanaysa San Mames oo ay todobaad ka hor kala soo kulantay guuldaro 4:0 ah.

Luis Enrique ayaa ka hadlay wax yaabo badan oo kooxdiisa iyo kulankan ku saabsan.Enrique ayaa sheegay in kooxdiisu ay ugu cad cadahay hanashada horyaalka si la mid ah hadalkiisii xili ciyaareedkii hore ee uu Athletico Madrid ugu saadaaliyay inay horyaalka ku guulaysan karto.

Enrique ayaa sheegay in xili ciyaareedku dheer yahay isla markaana ayna kulamada todobaadyada hore waxba go’aamin doonin basle ay horyaalka ku guulaysan doonto kooxda qaab ciyaareedkeeda joogtaysaa.

Enrique oo ka hadlaya in guul xili ciyaareedka lagu bilawdo ayaa yidhi: “Xili ciyaareedku wuu dheer yahay, waxaana ugu muhiimsan joogtaynta qaab ciyaareedka, laakiin inaad guul ku bilaabataa markasta waa wax fiican. Anaga ayaa ugu cad cad sidii aan xili ciyaareedkii horeba u sheegay inay Atletico Madrid ugu cad cadaahay sababtoo ah anaga ayaa ah kooxda koobka haysata. Waxa uu noqon doonaa horyaal si wayn loogu tartamo, waxaana ku tartami doona saddex ama afar kooxood”.

Enrique oo ka hadlaya Pedro ayaa yidhi: “Go’aanka Pedro waxa uu ahaa mid la fahmi karo, waxa uu doonayay in aanu ku sii wadi karin sida uu ahaa waa in aanu aqbalnaa”.

Enrique oo ka hadlaya Jordi Alba inuu kulanka Athetlic Bilbao uu ciyaaro karo ayaa yidhi: “Anigu ma hubo in Jordi Alba uu ciyaari karo kulankan oo dhan, si dhaw ayaanu ula soconaa isaga. Markasta waxyaabo ayaanu la nimaadnaa”.

Enrique oo ka hadlaya xaalada Neymar ayaa yidhi: “Horumarka uu sameeyo ayaa wax kasta go’aamin doona. Waxa ay u muuqataa in kulamadii xili ciyaareedka ka horeeyay ay isaga hadda u bilaamayaan. Xaqiiqdii ma jirto waxyaabo aad ka samayn karto arimaha noocan oo kale ah, laakiin Neymar waxa uu u muuqdaa inuu sidii hore aad uga ficiican yahay”.

Enrique oo wax laga waydiiyay ganaaxii FIFA ee kooxdiisa Barcelona ayaa yidhi:“Waxa ay ahayd ciqaab xun taasna waanu ogayn, laakiin dhibaatadan oo kale ayaa baryahan la noo gaystaa. Diyaar ayaanu u ahayn in aanu ciqaabtan wajahno iyo in aanu dhamaysano”.

 Enrique oo ka hadlaya kulanka Athletic Bilbao ayaa yidhi: “Xaaladu way ka fiican tahay sidii ay ahayd maalmo ka hor. Hadda wax daal ah ma dareemayno iyaguna waxay soo ciyaareen Europa Leaque-ga. Waa koox adag, waxayna cadaadis kugu saarayaan weerarka deg dega ah. Kulamada aan la ciyaarayo Athletic aniga way iga walwalsiiyaan”.

Enrique ayaa ka hadlaya ganaaxa Pique ayaa yidhi: “Waxaanu eegi doonaa haddii uu rafcaanku guulaysto, laakiin anigu ma doonayo in aan arimahan ka hadlo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here