Isbedel ma samaynaa?

0
360

Wax cusub maaha is bedelaka wakhtigu oo markasta sanad cusub, ayaa soo gala midkalena wuu ina waydaartaa. Haddaynu Muslimiin nahay macno inooma sameeyaan, dabbaal degyada xafladaha iyo xataa fariimaha layaswaydaarsado ee ah “ Happy New Year to you ‘’ iyo wixii la hal maala. Muhiimaddu waa in aynu is xisaabino ama ugu yaraan is wacyi gelinaa oo is wanaaninno.

Himilo cad iyo hadaf qorshaysan, ayaa inoo jeexi kara jiho toosan oo aynu u dhaqaaqno. Waxaa kale oo ay ina tusaan awoodda ah in aynu Adduunka kaalin mugleh ciyaari karno Aakhirona guulaysanno. Guushuna, waa waxa aad rabto oo aad hesho.

Maxaad jeceshahay in noloshaada ay iska bedelaan sanadkan soo galay? Maxaad rabtaa in aad samaysid ? Maxaa qabyo kaa ah ee aad doonaysaa in aad dhammaystirto?Majiraan meelo gaara oo aad rabto in aad ka kortid ama kor isu qaadid? Ma jiraan balwado aad u baahantahay in aad joojiso gabi aanba? Maxaad rabtaa in aad hesho,wax wayn mise wax yar? Xaggaad rabtaa in aad aado? Saaxiibadaa iyo jacayladaada ma rabtaa in aad kala shaandhaysid oo inta kuu qalanta aad qaadatid ? Nolosha qoyskiina maxaad rabtaa in aad ka qabatid ? Ma rabtaa in aad dhaqaale samaysid?

Caqabado maxaa ku hortaagan? Go’aamo noocee ah ayaa rabtaa in aad qaadato? Xirfadda aad ku shaqaysato maxaad rabtaa in aad ku kordhiso?

Qor su’aalahan oo dhan. Qaado warqad iyo qadar yar oo ka mida wakhtigaaga. Hubi oo hoosta ka xariiq midkasta oo kamida dhammaan su’aalaha aad haysatid si ay inoo hagaan. kala xaqiiji wixii aad awooddo nolol ahaan iyo inta kugu adag kadibna ina dhaqaaji.

Kowda bisha January inteenna gaadha, waxaa inoo furmaya buug cusub oo ka kooban 365 bog. Haddaan sikale u dhigo, waxaa inoo bilaabmaya sanadka cusub ee 2017 oo ka kooban 365 maal- mood oo midkastaaba tahay fursad cusub oo u baahan in sideeda looga faa’iidaysto.
Waan hubaa oo dhammaanteen waxaynu u baahannahay horumar ka badan inta midkasta oo inaga- mid ahi haysto. Macnuhu maaha sanad cusub baa inoo soo galay ee waxaynu u baahannahay isbdel togan oo taabanaya nolosha, dhaqaalaha, aqoonta, firkirka, wada noolaanshaha dadka, dawladnimada iyo danta guud.

Haddii aad dejisanayso qorshe shakhsiyan ah, muuhiimaddu waa in aad markasta ka fekerto waxa aad rabto in aad noqotid ama aad hesho ee ma- aha in ay kula waynaadaan caqabadaha iyo cabsida ku xeeran hilinka (jidka) aad u sii marayso halka aad ku hamiyayso, dhammaanba riyooyinkaagu waxa ay dhab noqonayaan marka aad dhiiranaan latimaado, noloshaaduna waxa ay dhismaysaa inta aad adigu dhisto, muhiimadduna maaha meesha aad ka dhaqaaqaysid ee waa in aad ogaato meesha aad u dhaqaaqaysid. Faqiir,taajir wasiir, waardiye , baalashle , baayac mushtar booskaad doonto nolosha kaga jiroo, waa in aad isbel samaysaa wixii ka dambeeya hadda.

Dhammaanteen, waxaynu rabnaa in aynu farxad ku noolaanno, farxadda iyo murugaduna,waa laba nooc oo ka dhasha ficilada aad samayso haddaad hore u socoto oo meelsare aad hiigsato kadibna -aad ku qanacdo waxa aad hesho, waa hubaal in aad farxad ku noolaanaysid haddiise taa bedelkeeda aad dib u soco ama nolosha ka seexato waa in aad aqbashaa in murugo aad la noolaatid.
Ha aaminin, wax nasiib layidhaahdo, nasiibka laftiisu wuxuu ka dhashaa dedaal fursadahana, waxaa hela cidda raadisa uun.

Noradin Abdulahi Col-ujoog, Repoter and producer at SLNTV.
Hargaysa-Somaliland
Wardoon9999@gmail.com.
Youtube; Nuradin Cabdulahi Col-ujoog
Facebooka : Noradin Abdulahi Col-ujoog.