(Isqaadqaadkii Bashe+Gacan Kahadalkii Gudomiye Cirro )

0
362

(Isqaadqaadkii Bashe+Gacan Kahadalkii Gudomiye Cirro )

Waxan doonayaa inaan qodobeeyo ama aan lafaguro arinkii Ka dhacay baarlamaanka ,kaas oo ah arin aad iyo aad
Ufoolxun ahayd,taas oo saamaynaysa dhamaan umada reer Somaliland

Hadaba waxa laga maar maan ah in la taageero sharciga iyo kala danbaynta
Umadu waxa sharci u ah waxay dhigtaan ama ay qortaan
Manta arinkan dhacay wuxuu saamaynaya dhamaan madaxda Somaliland.

Maxaa yeelay arinkan wuxuu keeni karaa in laysku qabsado xilalka
Ama Madaxwayne ku xigaynku uu ku qabsado madaxwaynaha
Magacaabista wasiirada ama bixinta amarada dalka ,
Wasiirku iyo wasiir ku xigaynku in ay isku qabsadaan wasaarada
Jananka ciidanka iyo janan ku xigaynku in ay isu qabsadaan amarada
Ciidanka.
/>
Hadaba waxa manta jira xukumadu waxay ku tumatay dhamaan
Sharcigii dalka uyaalay iyo kala danbayntii
Waxan xasuustaa kalmadi uu madaxwayne(daahir rayaale kaahin )
Uu ku yidhi madaxwayne siilaanyo markii uu ku wareejinayay talada dalka

( waxan kugu wareejinayaa dal iyo dad iswata)
Waynu dareemi karayna manta arimaha dalka kajira,iyo umadu halka ay kalaTaagantahay
iyo dalkii manta boobka lagu wado oo aynu daawanayno

Guntii iyo gabagabadii

Waxaan ku soo gunaaanadayaa hadalkaygan, in uu gudoomiye
( Cabdiraxmaan cabdilaahi cirro)
In uu difaacay sharcigii,waxaan odhan karaa wuxuu difaacay dhamaan umada reer Somaliland .

Waxan shacabka kula talin laha in la ilaaliyo nabada ,sharciga iyo dhamaan kaladanbaynta, kulmiye cod buu kuyimid codbaynu kuridaynaa…

Alle ayaa mahad iskaleh
AMBASADOR Toomsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here