Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Malaysiya Mahathir Maxamed Waa Hogaamiye Ku Dayasho Mudan.. Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar

0
643

Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Malaysiya Mahathir Maxamed Waa Hogaamiye Ku Dayasho Mudan.. Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar

Ra’iisal Wasaare Mahathir Maxamed Wuxuu Sameeyay Qorsho Toban Sano Ah Oo Uu Ku Horumarinayo

Alxamdulilah, Marka hore Allihii Umad Muslim Ah Inaga Dhigay Ayaa Mahad Leh.
Dalka Malaysiya Waa Wadan Ku Yaala Koonfur Bari Ee Qaarada Aasiya, Dadka Ku Nool Waxaa Lagu Qiyaasaa [28,250,000] Oo Qof, Waxa Ay Xuduud La Leedahay Wadamada Filipin Burunay-Darasalam, Thailand, Sing Pore, iyo Indonesia.
Caasimada Wadanka Waxaa La Yidhaahdaa Ku Ala-LampUr.
Waa Wadan Ku Dhaqma Nidaamka Federaalka, Waxaa Ku Nool Sedex Qow-miyadood Oo Kala Ah Malaay, Hindi iyo China.
Waxaa Qabsaday maleysiya Guumeystihii Ingiriiska Sanadkii 1786-kii, Waxayna Xornimada Qaadatay Sanadkii 1963-dii.
Hadaan Usoo Noqdo Taariikh Nololeedkii Aabihii Horumarka Gaadhsiiyay Dalka Malaysia Mahathir Maxamed Wuxuu Ku Dhashay Alorsefar Oo Aheyd Magaalo Madaxda Gobolka Kedah Oo

Ku taala Waqooyiga Dalka Malaysiya Bishii December 20-keegii Sanadkii 1925-kii, Wuxuu Ka Dhashay Qoys Danyar Ah Oo Ka Kooban Sagaal Caruur Ah, Aabihii Wuxuu Macalin Ka Ahaa Dugsiyada Hoose, Mushaarka Yar Ee Uu Qaato Kuma Filneyn Nolosha Qoyskooga, Taas Oo Ku Kaliftay mahathir Markuu Tacliinta Dugsiga Hoose Dhameeystay Ee Uu Ugudbay Dugsigii Dhexe In Uu Gelina Wax Dhigto Gelina Uu Suuqa Khudrad Uu Ku Iibiyo Sida Muuska Iyo Liinta iwm ,Si Uu u Kabo Nolosha Qoyskooga, Ilamaa Uu Dhameystay Tacliintiisii Dugsiga Sare 1947-dii.
Kadib Wuxuu Deeq Waxbarasho Ah Uu Ka Helay Dalka Singa- Pore Isagoo Nasiib U Yeeshay Inuu Galo Jaamacada [Edward Vill College University] Oo Uu Ku Bartay Culuumta Cafimaadka, Wuxuu Kasoo Qalin Jebiyay Sanadkii 1953-kii.
Wuxuu Ku Biiray Shaqaalihii Caafimaadka Ee Dalka Malaysiya Ilamaa Sanadkii 1957-dii Oo Uu Iskaga Tegay Shaqadaa Isagoo Furtay Xarun Caafimaad Oo Private Ah Oo Uu Ku Daweeyn Jiray Dadka Xanuunsanaya Isagoo Bilaash Uga Dhigay Dadka Danyarta Ah.
Sanadkii 1964-tii Ayuu Xubin Ka Noqday Ururka Midowga Malaysia Ee Wadaniga Ah [United Malaysia Nation Organization] Isagoo Sanadkii 1969-kii Loo Doortay Inuu Xubin Ka Noqdo Baarlamaanka Malaysiya.
Sanadkii 1970-kii Ayaa Uu Khilaaf Xoogan Soo Kala Dhex-galay Isaga Iyo Ra’iisal Wasaarihii Malaysiya Wakhti-gaa, Markaa Oo Uu Qoray Buugiisa Caanka Ah Ee La Yidhaahdo [The Malay Dilemma] Isagoo Kaga Waramay Musuqii Waqtigaa Hareeyay Wadanka Malaysiya Isagoo Ugu Baaqatay In XUkumadii Waqtigaa Jirtay Ay Ka Shaqeeyso Danaha Dalka Iyadoo Ka Dhaqaaqeysa Siday Baahiyaha Umada Wax Uga Qaban Laheyd.
Sanadkii 1974-kii Ayaa Loo Magacaabay Wasiirka Waxbarashada Ee Malaysiya Isagoo Waqtigaa Ku Talaabsaday Inuu Baahiyaha Xagga Waxbarashada Wax Ka Qabto, Isagoo Miisaaniyada Waxbarashada Gaadhsiiyay 3.7 Bilyan Oo Dollar Oo Ah 23.8% Miisaaniyada Dalka Taas Oo Ku Dhisay Goobo Waxbarasho Oo Caalami Ah Oo Ay Kamid Aheyd Jaamacada Islaamiga Ah Ee Malaysiya Iyo Iskuulo Aad U Faro Badan, Isagoo Sare U Soo Qaaday Tayadii Waxbarashada.
16-kii July Sanadkii 1981-kii Ayuu Noqday Ra’iisal Wasaarihii Afraad Ee Dalka Malaysiya Maalintaa Uu Xukunka Dalka Qabtay Wadanka Malaysiya Wuxuu Ahaa Wadan Dhaqaalihiisu Aad U Liito Oo Waxaa La Sheegaa In Daqliga Qofka caadiga ah ee Malaysiyaanka Ah Sanadkii Uu Aha $1,000 Oo Nolosha Dadku Waxay Ku Xidhneyd Beeraha oo keliyah.
Ra’iisal Wasaare Mahathir Maxamed Wuxuu Sameeyay Qorsho Toban Sano Ah Oo Uu Ku Horumarinayo Dhaqaalaha Dalka Malaysiya Talaabada 2aad Ee uu Qaaday Waxay Aheyd Siduu Ku Mideyn Lahaa Qoowmiyadaha Dalka Maleysiya Oo Ah Dad Diimo Kala Du-duwan Haysta.
Dadka Ka Faalooda Arrimaha Dalka Malaysiya Ayaa Waxay Sheegaan In Uu Ra’iisal Wasaaruhu Lahaa [21,000] Kow iyo Labaatan Kun Oo Kelmadood Oo Halku Dhegyo Iyo Guubaabo Uu Uga Dhigayo Dadka Malaysiya Kuwaas Oo Uu Ku Tir-tirsiinayo Midnimada Iyo Horumarka Iyo Waxbarashada.
Ra’iisal Wasaaruhu Talaabooyinka La Taaban Karo Ee Uu Markiiba Qaaday Waxaa Kamid Ah La Dagaalanka Korabshanka iyo Dhisid nidaam Dadka U Shaqeeynaya, Wuxuu Kale Oo Uu Ku Guuleystay In Uu Dhalinyarada Dalkiisa Uu U Diro Waxbarasho Dalalka Mareykanka Iyo Yurub Si Ay Uga soo Faa’iideystaan Xagga Tacliinta Isla Markaana Ay Dalka Kula Soo Noqdaan Aqoonta Ay Soo Barteen Iyagoo Uga Faa’iideynaya Dalkooga.
Arintaas Oo U Suuro Gelisay Inuu Wadankiisa Dhiso Dadkiisana Waxbaro, 1997-1998-dii Wuxuu Qabtay Bandhig Weyn Oo Caalami Ah Oo Ay Wadamo Badan Kasoo Qeyb Galeen Oo Uu Uga Magac Daray Bandhiga Maal-gashiga Dalka Malaysiya.
Dadka Ka Faalooda Siyaasada Dalka Malaysiya Ayaa Waxay Ku Sheegaan inuu Ra’iisal Wasaare mahaathir uu Kamid Ahaa Madaxda Ugu Cad Cad Ee Dunida Islaamka Wuxuuna Ahaa Hogaamiyihii Ugu Horeeyay Ee Islaam Ah Ee Aan La Saaxiibin Quwadaha Waaweyn Ee Mareykanka Iyo Reer Galbeedka Sida Madaxda Dunida Muslimka Ee Uu Iskaashiga Kala Dhaxeeyo.
Mar La Weeydiiyay Arinta Ayaa Wuxuu Yidhi [Hadaan Taageero Ciidan Ama Mid Dhaqaalo Aan Weydiisano Waxay Doonayaan Inay na Maamulaan Oo Waxay na Amraan Aan Sameeyno Arintaana ma aha wax an Qaadan Karno Ee Waxan Doonayaa Waxa Ay Doonayaan Shacabka Dalkeyga una dan Ah.
Mar Telefishanka Al-Jasiira ee Af-Carebiga Ku hadla uu ku Wareeysatay Barnaamijka [Bilaa Xuduud] Wuxuu raiisal- wasaaruhu Sheegay [Inuu Aaminsanyahay In Dhibaatooyinka Amni Xumo Ee Dalalka Muslimiinta Ka Jira Inay Sabab u-yihiin Mareykankayo Reer Galbeedka].
Markii Uu Ra’isal Wasaare Mahathir Maxamed Uu Qabtay Xilka Wadanka 1981 Dadka Reer Malaysiya 52% Waxay Ahaayeen Dad Faqiir Ah, Oo Beero Yar-yar Qota Oo Aan Wax Soo Saar Hagaagsan Laheyn Oo Ay Noloshoodu Liidato Intii Uu Maamulka Hayay Wuxuu Ku Guuleystay Inuu Wadankiisa Uu U Yeelo Wershado Faro Badan Iyo Wax Soo Saarkii Oo La Kordhiyay.
Sanadkii 2002-dii Dadka Faqriga Ah Ee Malaysiya Waxay Noqdeen 5% Oo Keliya, Halka Dadka Reer Malaysiya 80% Ay Noqdeen Dad Ganacsado Ah Oo U Iib-geeya Dunida Waxa Ay Dalkooga Kasoo Saareen, Dakhliga Qofka caadiga ah ee Reer Malaysiya wuxuu Noqday 10,000 oo dollar Sanadkiiba halkuu markii hore ka ahaa 1000 dollar oo keliyah, Wuxuu Ra’iisal Wasaare Mahathir Maxamed Uu Xilka Ka Degay 2003-dii Isagoo Dalkiisa Ka Dhigay Dalka 17-aad Ee Dhaqaalaha Caalamka Ugu Weyn.
Mahathir Maxamed Waa Nin Taariikhda Dalka Malaysiya Baal Dahab Ah Kaga Qoran Oo Ay Ixtiraam weyn U Hayaan Dadka Reer Malaysiya Iyo Dunida Muslimkaba..

Alla Mahad Leh..
Qoraa: Ustaad Asad Muuse Kibaar
Email: asadmuuse03@hotmail.com
Telephone: +252-63-4453653 and +252-65-9294630

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here