Itoobiya Oo War Ka Soo Saartay Xubnaha Baxsadka Ah Ee Tigray, Shacabka Uga Digtay Inay Qariyaan

0
250

-Saraakiisha dowladda Itoobiya ee ku sugan gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ayaa shacabka uga digay in ay gabaad siiyaan qof walba oo isku dayaya in uu gobolka xasiloonidiisa wax u dhimo.

Iyadoo ay iska muuqato in loola jeedo xubnaha xoogagga xisbiga tigray (TPLF) ee ay millatarigu la dagaallamayeen tan iyo bishii November, waxaa shacabka reer Tigray lagu boorriyay in qofkii ay arkaan ay dowladda kusoo wareejiyaan ama ay iska fogeeyaan si aan laftooda loo bartilmaameedsanin.

Waxaa kale oo dadweynaha loogu baaqay in ay taageeraan maamulka gobolka loo sameeyay kaddib markii la afgambiyay maamulkii TPLF.

Wariyeyaasha ku sugan gobolka ayaa soo tabinaya in shacabka reer Tigray ay aad uga careysan yihiin go’aanka ay dowladda federaalku saraakiisheeda ugu magacowday xilalkii gobolka.

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegayay in ay mudaharaadyo ka dhaceen magaalooyin dhowr ah xilli ay booqanayeen wafdi nabadeed oo ka kooban hoggaamiye diimeedyo iyo orodyahanka caanka ah ee Itoobiya, Haile Gebrselassie.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here