Sacuudiga Oo Amar Kusoo Rogay Shirkaddaha Shisheeye

0
287

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay laga bilaabo sannadka 2024 ayna wax qandaraas ah siin doonin shirkaddaha Shisheeye ee aan fadhigooda hay’an waddanka Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in laga bilaabo 1 Janaayo 2024 qandaraasyada dowlada ay siin doonto oo kaliya shirkadda Shisheeye ee xaruntooda gobalka ka sameysta gudaha waddanka Sacuudiga.

Arrintan ayay dowlada Sacuudiga uga danleedahay inay ku cadaadiso shirkaddaha caalamiga ah ee Qandaraaska ka qaata hay’adaha dowlada Sacuudiga ay xaruntooda Gobalka ka dhigtaan gudaha wadankaasi.

Go’aankan ayaa la doonayaa in lagu abuuro shaqooyin cusub oo ay helaan shacabka Sacuudiga, isla markaana laga hortago lacagta adag iyo dhaqaalaha ka baxaya wadanka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa sidoo kale doonaya in uu ku khasbo shirkaddaha waaweyn ee caalamka inay xarumahooda gobalka Barigga Dhexe ay ka dhigtaan Sacuudiga oo aysan fadhiisin ka dhigan dalalka kale ee Khaliijka.

Dhawaan ayay sheegeen 24 shirkadood oo calaami ah inay qorsheenayaan in xarumahooda gobalka ay ka sameystaan waddanka Sacuudiga.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah Mashruuca 2030 ee uu hoggaanka u hayo Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo doonaya in la sameeyo shaqo abuuro isla markaana dowlada Sacuudiga hoos u dhigto dakhliga ay hada ku tiirsan tahay ee laga helo batroolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here