Jamaahiirta Arsenal oo sidan uga fal celiyey funanaddii uu Chambers ka codsaday ‘Cadaw Costa!’

0
347

waaxa qorey yaasir br

Taageereyaasha Arsenal kuma farxin falkii uu sameeyey daafaca amaahda uga maqan, Calum Chambers, kaddib markii uu xalay funaanada ka codsaday in uu ka badasho Diego Costa kulankii Chelsea v Middlesbrough.

Costa daqiiqadii 41-aad ayuu gool u dhaliyey dhinaca Conte – goolkaas waxa ay kula wareegeen hogaanka halka ay ka dhigneyd in ay lix kulan oo xiriir ah shabaqooda oo nadiif badiyeen. Chambers ad ayuu ugu baahnaa funaanada dhaliyaha reer Spain.

Tiro xiddigo  ah oo ka tirsan Gunners ayaa hore dagaal ula galay Costa taas oo ka dhigtay xiddiga Blues mid aan laga jecleyn waqooyiga London.

Markii la arkay Chambers oo ka codsanaya maaliyadda isla markii siiriga la yeeriyey, raxan badan oo ka tirsan jamaahiirta Arsenal ayaa nacay!

Xiddiga England 6 kulan ayuu u saftay Boro tan iyo markii uu amaah uga soo biiray Gunners.