Weftigi uu Hogaaminayay Madaxweyne Axmed Silaanyo oo Gaadhay Degmada Ballidhiig Isago Halkaas Kulan La Qaatay Bulshada Degaanadaasi

0
378
  • waaxa qoreye yaasir br
  • Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ee qiimaynta iyo gurmadka xaaladda abaarta ka jirta gobollada bariga Somaliland, ayaa saaka socdaal ku tagay degaannada Shansha-cadde, Taala-buur, Balli-calanle iyo Balli-dhiig oo ka tirsan Gobolka Togdheer, kuwaas oo dhammaantood si ballaadhan loogu qaabilay.
    Weftigu waxay hadda ku sugan yihiin magaalada Balli-dhiig oo ay ka socoto xaflad soo dhawayn iyo is-xogwaraysi la xidhiidha abaarta ah ka jirta deegaanka, waxaanna Madaxweynaha weheliya Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Muidane, Muuse Biixi Cabdi.