Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Salaad Roob Doon ah oo lagu qabtay Garoowe

0
318

waaxa qorey yaasir br

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 21 November, 2016  waxa uu ka qayb galay isu soo bixii roob doonta ee ka dhacay duleedka  magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo bulshada caasimadda Garoowe ayaa waxay duleedka Garoowe ku tukadeen Salaadda roob doonta, iyaadoo Madaxweynuhu uu ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ka beryay inuu umaddiisa ka dul qaado abaarta iyo colaadda , isla markaana uu caafimaad siiyo inta xanuusan sidoo kalena uu ugu deeqo roob khayr qaba oo aan dadka iyo duunyada wax yeelin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad ka jeediyay isu soo baxa roob doonta ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dhamaan umadda muslimka ah ay ilaahay u noqdaan isla markaana ay ka tanaasulaan wax kasta oo looga fogaan karo wanaagga iyo khayrka, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu duceeyey dhamaan bulshada in ilaahay uu ka dul qaado abaarta iyo colaadaha isla markaana uu roob khayra qaba ugu bedelo dhibaatada haysata.