OBAMA: – Waaqica jira ayaa wadada saxda ah ku ridi doona Donald Trump

0
381
WASHINGTON, DC - NOVEMBER 10: President-elect Donald Trump (L) listens as U.S. President Barack Obama speaks during a meeting in the Oval Office November 10, 2016 in Washington, DC. Trump is scheduled to meet with members of the Republican leadership in Congress later today on Capitol Hill. (Photo by Win McNamee/Getty Images)

waaxa qorey yaasir br

Madaxweynaha talada Mareykanka wali haya islamarkaana ay u harsan tahay wax ka yar laba bilood ee Barack Obama ayaa shir jaraa`idkiisii ugu dambeeyay ee uu ku qabto dalka dibaddiisa ayaa waxaa uu ku qabtay caasimadda dalka Peru ee Lima.
Shir jaraa`idkaas ayaa waxaa lagu weydiiyay madaxweyne Obama su`aalo u badan madaxweynaha cusub ee talada kala wareegi soona dhammaadka bisha Janaayo ee sanadka dambe kaas oo shaki badan iyo walwal ay ka qabaan caalamka iyo dadka u dhashay dalka Mareykanka.

50 daqiiqo ayaa waxaa la weydiiyay su`aalo isdabajoog ah oo u baday Donald Trump, waxaana uu badankood ka bixiyay jawaabo ku haboon.

Mar wax laga weydiiyayaragtidiisa ku aadan hadaladii uu kusoo duullaan tagay Donald Trump xilligii doorashada ayaa waxaa uu yiri ” – Ma u maleynayo in luuqadihii la isticmaalayay xilligii doorashada ay boos uga bannaan yihiin siyaasadda dhabta ah ee qaranka u dagsan, hadii ay noqon laheyd sharciga iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka”.

Madaxweyne Obama oo u arko siyaasadda madaxweynaha cusub ee hoggaaminta qarankan Mareykanka mid dhallanteed ah ayaa waxaa uu mar kale yiri ” – Waaqica dhabta ah ee jira ayaa wadada kusoo ridi doona”.

Waxa uu Obama sheegay in shacabka Mareykanka iyo kan caalamkuba ay ka warsugayaan siyaasadda uu lasoo boxo madaxweyne Donald Trump marka uu xilka la wareego.

Oabama ayaa sheegay in uu hadli doona marka uu xilka ka dago haddii uu arko waxyaabo qalafsan.