Jamacadii Qaranka Ee Hargeysa Oo Si Badheedh Ah Magaceedii Iyo Maamuuskeediiba Loo Xadey Iyo Amusnaanta Boardka Jamacada

0
408

Jamacadii Qaranka Ee Hargeysa Oo Si Badheedh Ah Magaceedii Iyo Maamuuskeediiba Loo Xadey Iyo Amusnaanta Boardka Jamacada

Hadal haamo lagama buuxsheee bal aan idiin soo qadimo astaanta jamacda ku sheega taas oo si badheedh ah looga xadey astaantii jaamacada qaranku laheyd

Waxaan marnaba indhaha laga qarsan Karin in jamacdii hargeysa ee qaranku lahaa kolba dibin daabyo cusub iyo jalaafooyin taban loo dhigayo waxeynu kawada dheregsanahay khilaafkii jamacada ragaadiyey ee dhawaantan qoyan uun la xaliyey.waxba khilaafkaaas guunka ahaa ku sii tiigaali maayeee hadaan dhex-galna ka biximeynee yeynaan dar-jiidhine aan dulucdeena ku soo dhawaano xikmad guuna oo somaaliyeed ayaa tidhaa mayd maxaa u danbeeyey iyo kaa la sii sido magaalada hargeysa ayaa waxaa laga furey jamacada lagu sheegey hargeysa international university oo laga furey woqooyi galbeed magaalada hargeysa cida jaamacada furtey cidkale maaha cirka kama iman dhulkana kama soo bixine waxey ka soo hoos boodeeen gondaha jamacada hargeysa si ay u dhantalaan jamacada qaranka leeyahey balo afka lagama dhawree raga

dhagarta u maleegay jamacada qaranka waa ka mida gudoomiyihii hore ee dhawaan xilka laga qaadey DR.gaas iyo c/rashiid oo ahaa dhiin ku xigeenka kuliyada ICT-ga jamacada hargeysa oo dhawaan uun iska casiley si isagoo maganaa qorshaha uu hada gacanta kula jiro oo ah in jamacada qaran laga xado magaceedii iyo weliba astaanteediiba oo weliba meeel aaan 4-killimoterna u jirin laga furo si ardey badan u galaan jamacadan ay u eekeysiiyeeen jamacadii qaranka si jamacada qarankuna u dhantaalanto.

Hadal haamo lagama buuxsheee bal aan idiin soo qadimo astaanta jamacda ku sheega taas oo si badheedh ah looga xadey astaantii jaamacada qaranku laheyd

Qodhiin iyo xeridiiine astaantan iyo magacaniba miyaaney aheyn astaantii jaamcada qaranku laheyd oo si badheedh ah loo xadey weliba raga aan kor ku sheegey xadeen si ay jamacada hargeysa ee qaranka u burburiyaan hadaba waxaan leeyahayboardka jaamacada hargeysa adeer baroortu orgiga ka weyne aamusnaantiinu waa xaajo ugub ah inaad dawataan jamacadaad gudiga u aheydeen oo la dhaxal wareejinayo magaceedii iyo astaanteediiba

Ka kaca fadhiga oo xuquuqda ay jamacadu leedahey u doona.hadeyse taasi dhihiweydo waa hubaal oo DAMEERHA AYAA WEYLO DHALI

NAGEEYE MAXED XASAN {NAGEEYE353@GMAIL.COM}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here